Qormadan
aan ugu wanqalay “Geeddi socodkii kalandarka Miilaadiga iyo dabaaldegyada
sannadka cusub” oo aynu kaga hadli doono dabaaldegyada sanadka cusub iyo
maalinta Masiixiga (Crismasday) ee 25 December. Arrintaasi waa mid mudan
in aynu ku gudbinno fal kasta oo cid xog loogu tebin karo. Ujeedadeeduna tahay
si aanay u noqon wax dhaqankeenna iyo waxqabadkeenna ka mid noqota
caadaysigeedu. Biyadhaca qormada oo ah in aynu is waydiinno waxa aynu u
dabaaldegayno iyo ujeedada ka dambaysa, waxa ay tahay ayuu qoraalkaygu
daarranyahay.
Taariikhda
bini-aadanka inta la hayo, dabaaldegyadii ugu horreeyay ee sannadguuro loo
sameeyo, waa kuwii ay samayn jireen dadkii degi jiray Ciraaqdii hore
(Mosabataamiyadii qadiimka ahayd caasimadeedii Baabiliyoon) muddo laga soo
wareegay 4000 oo sano. Qoladaasi waxay samayn jireen dabaaldeg ku beegan xilli
macno u samaynaya. Xuskooda iyo dabaaldeggoodu wuxu bilaaban jiray markuu gu’gu
da’o dayaxa ama bisha koowaad ee dhasha marka ay tahay. Waa halka ay Kiristanku
ka keeneen inay dabaaldegaan iminka dayaxa koowaad ee dhasha jimcaha
(Hakis-bila) ku xiga oo ay yidhaadaan LONG FRIDAY (Maalintii fasaxa
dheerayd), Axadda ku xigta oo ay STER-KA dhahaan. Markan ay reer
Baabiliyoon dabaaldegayaan waxay ahay amin iyaga macno u samaynay oo dhulkoodu
dib u soo noolaanayay,beerihii dib ay u falanayaan, roobabna u da’yeen.
Dabaaldeggoodu kow iyo toban maalmood ayuu socon jiray, maalin walbana wax
gaara ayay qaban jireen. Dhaqankooda caynkaa ahi macnu lahaa, laakiin kowda
jenaweri maxay macno samaynay? Xiddigis ahaan macno ma laha, beer ahaanna macno
ma laha oo xilli roob da’o maaha oo waa markuu jiilaalku bilaabanayay.
Haddaba
kowdan Jenaweri ee la dabaaldegayo way iska caddahay inaanay wax macno ah ku
fadhiyin. Ku darsoo kalandarka Miilaadiga ee ay ku jirto iyada iyo bilaha kale
ee aynu tirsannaaba ma aha kalandar xilli la garanayo soo bilaabmay ee isga
laftiisa madmadow badan iyo gedgeddoon badan ayuu soo wajahay. Bal aynu ka yar
faalloono geeddisocodkii kalandarkani lahaa;
Kalandarkii
ugu qadiimsanaa waxa lahaa Masaaridii hore, oo ku koobnaa xiddigta SAYRUS iyo
cadceeddu markay meel ka soo wada baxaan. Sanadkooduna 360 maalmood ka koobnaa,
12 bilood oo min soddon maalmood ah shan iyo cisho oo dheeraada ayey ku dari
jireen oo la yidhaado waa shantii feestada. Markaa waa 365 maalmood. Markii
dambana bil gaara ayey ka dhigeen oo bishii saddex iyo tobnaada, waa ta ay Itoobiya
samayso meesha ay ka timi.
Marka
la eego Giriigu wuxu tirsan jiray kalandar kaa ka gedisan oo dayaxa ku xidhan,
ka dibna waxay isku dayeen inay cadceeda ku xidhaan, oo dabeetana ‘mitonic’
saykalka wax la yidhaado ay ku xidheen oo 29 sanadood laga tiriyo cadceedu inay
la micno tahay 235 bilood oo dayaxa laga tiriyo. Bilo dheeraada ayaa jiray oo
iyana u dhaxeeyey, bilahaa sanado gaaray ku buuxiyeen. Kalandarkani girigooriyanku
asalkiisu waa kii Roomaaniyada ay lahaayeen, oo isna asal ahaan bilaabmi jiray
gu’ga, bisha (march) maaris, toban bilood oo qudhana way yaqaaneen, oo kala ah
March, apris, may, yuniyas, kuwantalis, fagastalis iyo afarta dambe oo sidooda
loo tiriyo, September, October iyo desember. Waa afkii laatiinka ee hore, sep
waa 7ba, octa waa 8, nof waa 9, dec waa 10. Lixda bilood ee hore magacyey
lahaayeen, afarta dambena tiro oo ah todobaad, sideedaan, sagaalaad iyo
tobnaad, inkasa oo sideed iyo sagaal dib loo raray, haddana iyaga sidan ayey u
ahayd oo jiilaalka kuma ay darin kalandarkooda, waayo wakhti baraf iyo
mushkilado ka dhacaan bay ahayd waqooyiga iyo Yurub dhammaanteedba. Sidaa
darteed jiilaalku magacna ma lahayn tiro go’ana ma lahayn.
Roomaankaas
sanadkoodu saddex boqol iyo afar maalmood ayuu ka koobnaa, boqorkoodii Nuuma
ayaa bedelay oo laba bilood ku daray kalandarka, labada bilood xagaynu ku daraa
baa la yidhi? Wuxu yidhi desember iyo march dhexdooda aynu ku daro, ‘’maxaybu u bixinaa bisha koobaad iyo ta
labaad bay yidhaadeen?’’ ‘’Bisha koobaad Feberweri aynu ula baxno ta labaadna Jenaweri’
ayuu ugu war-celiyey, sanadkiisiina 354-355 ina u dhexaysa ayuu ka dhigay.
Haddana
markay taariikhdu maraysay 450 bc-da ayey yidhaadeen labadan bilood aynu is
waydaarino, Jenaweri labaad ee sanaka, markaas ayey ka dhigeen bisha koobaad ee
sanadka, Feberwerina aan ka dhigno bisha labaad ee sanadka. Sidaa markay mudo
ku socotay ayaa Julis Qaysar ninkii la odhan jiray ayey la taliyayaashiisii ku
yidhaadeen sidani si fiican ma ahee aynu kalandarka haggaajino. Boqortooyada
ayaa marba kalandarka dhinacay doonto u dhigi jirtay. 46kii bc ayaa kalandarkan
cusub ee Julis kalandarka loo yaqaan la sameeyey, kana kooban 365 maalmood iyo
rubuc maalin, macnahay uga jeedeena ahaa inay waafajiyaan ‘tropical yearka’,
ama guurguuritaanka cadceeda. Haddana khalad baa ka galay xisaabtii, sidaas
ayaa looga soo guuray kan loo yaqaan girigooriyaan kaalandarka, oo kaasi hore
dhowr meeloodba qalad baa ka galay, kow inta ay u qaateen tropical year-ku inuu
yahay waxa dheeri maalintii 6 saac ee 5 saac iyo minido, sidaa darteed 128
sanadoodba hal maalin oo dheeraada ayaa soo baxaysa oo qalad ah kalandarkana
aan ku jirin. Ta labaad waa ‘lenear’ka oo saddexdii sanadoodba mar ay xisaabin
jireen oo laga helay 11 maalmood oo dheeraada ayaa markaa kalandarka ku jira,
sidaa darteed waa qalad bay yidhaadeen. Waa laga soo guuray oo girigooriyanka
ayaa loo soo guuray, girigooriyanka boobkii sideedaad ee kiniisada kaatoliga ee
Gerigori la odhan jiray, ayaa wareegto soo saaray markii arrinka loo sheegay
inuu kii hore qaldanyahay, markaas ayaa dib looga guuray oo la yidhi ‘leaneyear’kana
dib ha loo sameeyo oo waa in ay 100 iyo 400 ba u qaybsami karaan, waa qaaciido
tii hore ka duwan. Maalmihii dheeraadka ahaana ha laga saaro ee qaladka ku soo
galay, oo 128kii sanoba hal maalin oo dheeraada ayaa ku jirtay, 365.242190 ayey
yidhaadaan laakiin isagu 25 ayuu isticmaalay ayey yidhaadeen qaladkana taasaa
keentay. 1582kii octo 4 markay maraysay, ayuu wadaadkaa boobka ahi soo saaray
wareegyo sheegaysa oct 4 in lagu xejiyo oct 15, inta ka dhexaysaan waa ma
jirtee ha laga boodo. Maalintaa cusubna uu soo saaray ee ah oct 4 iyo oct 15 oo
isku xiga. Dowladdihii kaatoliguna sidii ayay maalintaa ku qaateen, gaar ahaan
Faransiiska, Spain, Portugal, Talyaani iyo Jarmalka oo dowladdo badan ahaa. Qaybihiisii
kaatoliga ahaa Nadarland, Iswiisarland in kasta oo Iswiiserland, Jarmalka iyo Nadarland
ay sanad ka dib qaateen maalintan. Laakiin, kooxda hore ayaa bilowgiiba qaatay,
Jarmalka qaybtiisii Borotostanka way diiday oo kalandarkoodii hore ayay
haysteen. 1700 markay taariikhdu maraysay bay guureen, Ingiriiska iyo
mustacmaraddihiisii Maraykan iyagu 1752kii markay taariikhdu maraysay ayuu
Ingiriisku soo saaray qaraar ah sep 2 oo ahayd maalin arbaca ah ayuu kalandarka
ku xejiyey arbacadaa khamiista ku xigtaa inay noqoto sep 14, intaas oo dhanna
la soo boodo. Ruushku isagu wuu diidanaa oo wuxu aqbalay 1918kii in uu isna Janaweri
31 markuu marayey boodsiiyey oo ku xejiyey Feberweri 14 inay ku xigto.
Marka
la eego tiradan Nebi Ciise iyo dhalashadiisii kuma xidhna, inkasta oo ay
yidhaadaan AD iyo ‘Cristian arose’ ama Ciise dhalashadiidii, haddana wax u dhow
toona ma aha. Waayo qarnigii 6aad baa lagu xidhay, shan qarni iyo dheeraad
iyadoon taaba la xasuusnayn ee BC-dii sidii loo waday uun loogu guuray 1 AD ah. Waxay yidhaadaan Yurub maba ay aqoon wax eber
(0) la yidhaadaba, way ka booday oo wakhti dambe ayaa lagu xidhay Ciise CS
dhalashadiisii, Ciise CS dhalashadiisana cidiba garanmayso. Waxa ka warramayna
waa quraanka iyo baybalka laba ka mid ah, baybalka labada ka warramayna waa
Maartiyas iyo Luuk, labada kalena kama warramaan. Maartiyas iyo Luukna way isku
khilaafsanyihiin wakhtiga ay sheegayaan. Maartiyas wuxu sheegayaa wakhtigii
Ciise noolaa inuu ahaa amintii uu Hiraroos ka talinayay Roomaaniska. Hiraroosna
waxa la sheegaa inuu dhintay afar sanno ka hor taariikhda miilaadiga ee hadda 2000
maraysa, afartan sannadoodna wax buu xukumayey. Ka kale haddii taariikhdiisa la
eego waxay noqonaysaa 6 sannadood ka dib! Sidaa darteed Ciise (CS) bishuu
dhashay daaye waxaan la garanayn sannadkuu dhashay quraankuna ma sheegin
kitaabka masiixiyadu haysataana meel lagaga sheegay ma jirto!
Bilahaas
iyo magacyadaas; Jenawery, Feberwery iyo March, afkooda macnay ku leedahay.
Macnaha Jenawery waa ilaahii labada madax lahaa ee (irridaha) albaabada iyo
waddooyinka, oo ay caabudi jireen. Feberwery waa macne noocaa ku dhawdhaw, dhammaantoonda
waa ilaahyo magacyadood. March waa ilaahii dagaalka, April waa bilow (to open),
May waa ilaahaddii roobka gu’ga iyo koritaanka. June waa ilaahaddii xigmadda
iyo guurka. July waa Juuliyaan; kaalandarka ninkii sameeyay ayaa magaciisa ku
darsaday. Waa ninkii is weyaariyey Jenawery iyo Feberwery, markii hore
Feberwery ayaa soo horaysay Ogos baa is weydaariyey, dabadeed isna bil buu
magaceeda la baxay oo wuxu yidhi Juuliyas Kaysar (July) bisha ku xigta ana ha
laygu magacdaro oo bisha sideedaad baa loogu magac daray. Afartan dambe ee aynu
tirinaynaana waa qalanyihiin oo waa bishii todobaad, sideedaad, sagaalaad iyo
tobnaad, iminka laakiin maaha ee markanu September waa bishii todobaad, laakiin
kalanarka waa bishii sagaalaad. Oct waa bishii sieedaad, laakiin waa bishii
tobnaad. Kalandarka la hayaa waa noocaas, sidaa darteed waxa is waydiinta lehi
waa maxaa loo dabaal degayaa? Kiniisadda, markaynu eegno iyo waxa ay ka
rumaysnayd sannawaadkii koobaad ee kiniisaddu, kalandarkaa Juuliyas Kaysar uu
sameeyay si uu u waafajinayo Trobical year-ka sannadkii koobaad waxa laga
dhigay 46 BC’gii’ sannadkaasi wuxu ahaa 445 maalmood. 365 maalmood ma ahayn,
445 kaa maalmood baa laga dhigay si loo waafajiyo xilliga gu’ga ee bisha March
21 uu ugu beegmo. Ayaa la yidhi sannadkana aan tiri badino 15 bilood wax ku
dhawdhaw baa laga dhigay. Dabeetana waxay u adeegsadeen in sannadkaasi noqdo
445 maalmood. Kiniisadda marka la eego, aragtideedu waxay ahayd in wax alaale
iyo waxaa la samaynayaa shirki bay u arkaysay (baaganiisam) 1’da’ (dabaaldegga
sannadka cusub) jenawary, 25ka desember (dabaaldegga dhalashada nebi Ciise CS)
inay masalo shirki ah tahay bay u arkaysay, oo aanay marnaba ku bannaanayn diin
ahaan. Laakiin, sida uu dhigayo saykoolabiidhiyaha (syclopedia) Ingiriisku,
Mu’arikhiintu waxay isku waafaqsanyihiin inaan Ciise CS taariikhduu dhashayba
la garanayn. Dabaaldeggii koobaad ee Ciise CS loo sameeyayna waxa uu ahaa
336kii miilaadiga ayay ahayd. Arrinta xusidda mudani waxa weeye in wax alaale
waxa dabaaldeg la sameeyo iyana waa dhaqanno ay lahaayeen gaaladii hore sida
geedka[1] oo
ay adeegsan jireen Jayniiskii iyo Masaaridii hore oo ay odhan jireen ‘nolosha
waraysa ayuu tilmaamaa’. Waxana dabaaldegga lagu soo daray qarnigii
14naad-16naad oo Jarmalku ku soo kordhiyay iyadoo ay fikrad kale ka lahaayeen,
Ingiriiskana qarnigii 17naad buu gaadhayba. Sidaa darteed wax alaale waxa la
wadwado ee laga soo bilaabo odaygan gadhka cad ee maryaha cas cas, ee qalabka
barafka la jiido dul ordaya, sideedda qasaal ay kaxayso. Kaas oo ay rumaysan
yihiin inuu ka soo dego habeenka 25 diisembar meesha guryaha qiiqu ka baxo oo
uu kijada galo meesha godka yar u eg ee guryaha lagu kulayliyo ayuu galaa,
halkaas ayuu wax dhigaa oo subaxdii carruurtu ka qaadataa. Waa laytal-khadarka
ay Soomaalidu wuu gudaa tidhaado oo kale. Waxaa ay sheegaan inuu dhigo
habeenkii dadka waawayni dhigaan si carruurto u aaminto in xalay
laytal-khadarkii dhigay. Tan lafteedu waa caqiido hore oo ay Yurubta waqooyi
adeegsan jirtay.
Marka
la eego 25ka december, asalkiisuba waa ciiddii loo ciidi jiray cadceedda. Yurub
waqooyigeeda wakhtigan (25ka december) waa madaw. Dabeetana, ilaah cadceedda la
yidhaado ayaa dadku baryaan inay soo noqoto oo dabaaldeg weyn loo dhigaa. Sida
uu dhigayo Saykaloobidhiyaha Ingiriisku, markii ay arkeen wadaaddadii
Boobabkii, Roomaniskii oo fikradan qaatay aadna ay ugu ballaadhatay dhigitaanka
dabaaldegyada ayay isku dayeen inay diinta dhinac ka waafajiyaan. Ka dibna
waxay dhaheen maynu Ciise CS dhalashadiisii ka dhigno. Ciise CS
dhalashadiisiina lama ba garanayo, afar qarni bay kiniisaddu diidanayd ba
dabaaldeggan ay markaa dhalashadiisii ka dhigayaan. Waa qarnigii afraad markay
u aqoonsanayaan ‘Crismas day’. Haddana waxa la yidhi 1 jenawery maxaynu ka
dhignaa? Qaar kiniisaddaha ka midi waxay dhaheen aynu nidhaano waa maalintii
Ciise CS la guday (balagta laga jaray). Qolo kale waxay yidhaadeen maya’e
dadkuba waa dabaaldegayaa! Oo xaggay ka timi kowda jenawry in la dabaaldego?
Waxay yidhaadeen markii hore gu’ga ayaa loo dabaaldegi jiray. Gu’giina March
buu ahaa dhexdeeda oo waa tii Baabilooliyanka iyo Roomanisku ay dabaaldegi
jireen. Laakiin, Roomaanisku markay kalandarkii qaldeen ee noocan ay ka dhigeen
ayay ka dhigeen in kowda Jenawry la dabaaldego. Dabeetana, toodii qaldanayd baa
lala qaatay oo waa lala dabaaldegay. 1da Jenawry xidigis (stronamy) ahaanna
macna ma laha oo wax qiimo ah ma sheegayso. Xilliyada marka la eegama faa’iido
ma leh oo waa jiilaal. Sidaa awgeed wax loo dabaaldego oo meesha yaalaa ma
jiraan. Marka la isku soo wada duubo:
B.
dabaaldeggani waa dabaaldeg gaalo leedahay (Mushrikiin)
T.
waa marka labaade Mushrigga waxa ku sii raacay Kiristan, oo wadaaddadii
Kiristanku diintoodii markay ilaalin kari waayeen ayay dacalka ka raaceen.
Hadday
labadaasi isku raaceen innaga (Muslim) qiimuhuu inoo leeyahay waa maxay? Asal
ahaanna waxyaabahay sameeyaan markay dabaaldegayaan waa waxyaabahaas aan soo
sheegnay. 1. Waxay yidhaadaan nasiibka ayaa la eegaa, oo waxay rumaysnaayeen
caado sheegaysa ‘’reerka oo dhan ayaa la ururiyaa, 1da jenawry-na hadduu kuu
soo galo nin dheer oo tima madaw waa nasiib wanaag. Wax kale hadday kuu soo
galaan se dhib bay sheegaysaa. Waxa kale oo dhaqannadaa ay adeegsadaan ka mid
ahaa, in ilme yar la qaado oo salad lagu rido korna loo qaado. Ilmahan yar
berigii hore waxa lahaan jiray Masaarida Eeshiya iyo Jayniiska. Qoladan (Yurub)
waxay yidhaadeen ilmahan yar aynu Ciisa u bedello.
Ilmihii
yaraa waa la soo qaaday, geediina waa la keenay, habeenka 1da in la soo jeedo
oo khamri badan la cabbo waa la sameeyay. Marka maanta la eego Crismas-ka iyo
1da Jenawry u dabaaldeggoodu dunida maanta dhib bay ku haysaa marka loo eego
inta wax ee gubata, inta khamri la cabbo, inta khasaare la gaysto. Waa uun
ayaamo loogu talagalay in Bini-aadamku waasho sida ay hadda u egtahay. Haddaba
mawqifka innagu aynu ka taagnaan karnaa muxuu yahay? Waa mid iska cad oo
islaamku wakhti la ciido wuu soo koobay. Laba wakhti oo la ciido ayuu ku
koobay, waana labada ciidood ee FIDRI iyo ADXA. Labaduba na madal bay
leeyihiin. Waana laba tiir oo arkaanta Islaamka kuwa ugu waawayn ka mid ah
marka ay arkaanta kale dhammaystiraan. Waana kii uu tilmaamayay xadiiska
saxeexa ah ee Nebigu N.N.K.H.A markii uu Maddiina yimi iyagoo leh laba maalmood
oo ay ciyaaraan. Markaasuu waydiiyay waxa ay yihiin labadan cisho ‘’MAA
HAADAANI YOWMAAN’’ reer Maddiina waa kuwii ugu warceliyay inay ciyaari jireen
ammintii jaahiliyada. Nebigu (N.N.K.H) wuxu ugu warceliyay Ilaahay wuxuu
idiinku beddelay labadan laba ka khayr badan, maalinta Adxa iyo maalinta
Fidriga. Nebigu (N.N.K.H) wuxu xusay in loogu beddelay labadan ciidood oo ka
khayr badan waana labada ciidood ee shareecada Islaamigu sugayso. Wax alaale
iyo waxa ciid ka soo hadhay Mowliid nebi ha ahaato ama Rajab ha lagu sheego ama
qaranimo ha lagu sheego, gaalo ha wadato ama Islaam ha wato waa waxba kama
jiraan.
Tixraac
SHeekh
Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Maxaadirada U DABAALDEGGA SANNADKA CUSUB. Maktabadda
kutubta ee Al-xusayni (Al-xusayni Islamic bookshop)
W/Q:
Gud: waaxda akhriska iyo hal-abuurka xarunta M.Mooge, Maxamed Saleebaan Axmed ‘’Tixmagabe’’
Facebook:
Tixmagabe Saleebaan Axmed
[1] Geedku waa ka
ay la wareegaan ee ay yidhaadaan ‘Cristian tree’ oo shamac iyo wax la
sudhsudho.
ConversionConversion EmoticonEmoticon