“La hubsayoo,
goroyo haad noqon weydey[1]”
(Odhaah)
FG: Qormadan oo aan idiinka soo
garoocay buug socda ayaan jeclaystay inaan idinla wadaago
Goroyadu waa shinbirta ugu weyn baalleyda adduunka mana
duusho inkasta oo ay baalal leedahay. Waxase la sheegaa, marka ay aad u ordayso
inay baalasha kala bixiso oo dabaysha is raaciso sida sawirka ka muuqata.
Faa’iidada kale ee ay baalasha ku qabtaa waa inay ku dagaalanto, kuna ciyaarto.
Ciyaarta gorayadu waxa loo yaqaan Geble, waa ciyaar u
gaar ah oo laga bartay ilaa haddana sideeda ayaa loo ciyaaraa. Gorayadu waa mid
ka mid ah xayawaannada ugu dheereerya waxa dhulka guudkiisa gurguurta. Halkii
saac waxay ordi kartaa 70 – 90Km. Laba lugood oo dhaadheer ayay leedahay.
Lugaheedu ma laha dhogor oo waa kuwo mudhuxsan, faraheeduna waa saddex suul oo
aad u xoog badan. Sidoo kale, qoor dheer oo mudhuxsan ayay leedahay. Gorayadu bannaannada
ayay ku nooshahay. Labkeedu waa Goray-haldhaa ama Haldhaa.
Goray-haldhaagu waa wada madow cidhifyada iyo hareeruhu (badhida iyo baalasha
hareerahooda) waa caddaan. Dheddigana waa Gorayo-cowl, muuqaalkeedu waa
cawlaan caddaan ku dhex jiro (sida magaca aad ka dhadhansanay Goraya-cawl)
Dhashuna waa Hal-garac xabadda ugu horaysa marka ay dhasho way laadaa oo
jebisaa, meeshana way ka tagtaa. Meesha kale ee ay ku dhasho waxa la yidhaadaa Goof.
Marka ay dhashu dilaacdo inta aanay orod baran Wiriile ayaa la
yidhaadaa. Intii mar wada kacdaana waa Fil. Gorayga yar waxa la
yidhaadaa Warriile halka ta dheddig ee yarn a la yidhaado Raanyar.
Xog
ku saabsan Gorayada
|
Labka
|
Dheddigga
|
Joogga
|
2 M
|
1.8 M
|
Culayska
|
140 Kg
|
120 Kg
|
Culayska
ukunta
|
1.2 Kg
|
1.2 Kg
|
Culayskay ku
dilaacdo
|
1.8 Kg
|
1.8 Kg
|
Intay
xafashto
|
45 cisho
|
45 cisho
|
Da’day ku
qaangaadhaan
|
8 sano
|
8 sano
|
Sidka
|
--------
|
2 bilood
|
Inta beed ay
dhasho markiiba
|
--------
|
12 – 20
xabbo, midh
|
Da’deedu
intay gaadho
|
50
sano
|
50
sano
|
Inkasta oo goroyada lagu caayo in
aanay dhasheeda ilaalin meel bannaan na ay dhigto, sida ku xusan murtida Xasan
Sh. Muumin ee ahayd:
Gorayadu
ilmaheeda
Aroori
bay dhigtaayoo
Aboodigu
ku laayaa
Shimbirtuna
aroos bay
Ila
xidhoo ammaana bay
Ubadkeeda
seexisaa
Haddana gorayadu waa noolaha labka iyo
dhaddiguba u ilaaliyaan beedka si xad ah. Waana shimbirta keliya ee si ay
dhasheeda u badbaadiso Libaaxa eryata iyo xayawaannada halista ah. Labadooduba
midba marbuu daaq-tagaa ka kalena wuu ku fadhiistaa. Taasna waxa uga markhaati
kacay abwaan aad u xigmad badan oo aanan helin magaciisa loo se badiyo Xasan X.
Cabdilaahi (Xasan-ganey) ayaa yidhi;
Sida goray-haldhaagoo
Dhashiisa ilaashadoo
Marka dhibicda roobkana
Soo dhababaceeyoo
Baalasha uga dhigaan
Kuu dhawrayaa.
Maxamed
Saleebaan Maxamed Saleebaan Axmed "Tixmagabe"
Guddoomiyaha
waaxda Akhriska iyo Hal-abuurka ee xarunta M.Mooge
Tixmagabe20@gmail.com
[1] Waa odhaah loo adeegsado marka
wax la doonayay sidii la rabay uu noqon
waayo. Tusaale: qof baad ka dhur sugaysay inuu wanaagsanaado oo iska daayo
wixii uu hore u caadaysan jiray, kuye halkii buu ka miisayaa! Markaas ayaad
odhay ‘’la hubsayoo, gorayo haad noqon wayday’’ ama ‘’Nin na caaddii ma baajo
bahal ceedhin ma daayo’’ ama ‘’waano dhalan baa ka roon’’. Ujeedada goroyada loogu maahmaahay waxa weeye
in aanay gorayadu marna duuli Karin oo haadda ka mid noqon Karin.
1 Faallo reeb:
Click here for Faallo reebGoronyada qoorteeda intee la eg tahay
ConversionConversion EmoticonEmoticon