Barnaamijka dhaqanka iyo suugaanta ee KAYD. Falanqaynta gabaygii uu abaarahaka tiriyey abwaan Cabdalle Maxamed Sigad "Muruudka" oo qoraal ah.



Falanqaynta gabaygii uu abaaraha ka tiriyey abwaan Cabdalle Maxamed Sigad "Muruudka oo qoraal ah


Gabaygan waxa curiyay abwaan Cabdalla Maxamed Sigad “Muruudka”, sannadkan 2016 bishii 3aad 29keedii. Sababta keentay gabaygan waxa ay ahayd abaartii baahday ee geyiga ku habsatay, dhibaatada badan eel ala riiqdayna reebtay. Abaartaas oo uu abwaanku u bixiyay Jirraban oo uu odhanayo Gaatama jucuurtuu khalqigu, jiifka ladi waayay, Mid kasii jirrabanbaa dhaciyo, jiitamoo kale’e” isaga oo ku xusaya gabayga abaarihii dhulalka Soomaalida ku habsaday ee dhibaatooyinka weyn geystay, isla markaana taariikhda galay.


Abaarahaa uu abwaanku gabayga ku dhex xusay waxa ay ina xasuusinayaan sida aynaan uga gaashaaman ee ay innaga oo dacal-basar ah inoola kulmayeen. Markii aan soo baadhay waxa aan soo helay ilaa 42 abaarood oo qaarkood aan taariikhdii ay dhaceen soo helay sida ka muuqata xagga hoose. Abaarahaas ilaa 30 meeyo gabayga ayay ku jiraan inta kale ee aan qulka (Bold) ka dhigayna waa kuwii aan soo baadhay.


ABAARIHII GEYIGA SOOMAALIYEED KA DHACAY EE TAARIIKHDA GALAY[1]


1.      Hawaara:                     1923
2.      Siiga-case:                   1954
3.      Xaaraama xune:          1914
4.      Soor iyo biyaba waa
(Saloogane ama Sulufaad): 1980
5.      Dhumato:                   1980
6.      Dhibiijaale:                1984
7.      Allay lahayd:             2004
8.      Jiitama:                        1945
9.      Adhi-gaba:                  1934
10.  Bakayla-qalad:            1964
11.  Xaaraama-cun:            1910 (1914)
12.  Daba-dheer:                1974
13.  Gaadhi-gaadhi-saar:    1964
14.  Hiinkaarre:                  1996
15.  Qayla-weyne:             1996
16.  Hamba-laac / Gabbato:1997
17.  Jiitama:                        1945
18.  Cadhoolay:                  1935
19.  Igu-sawir / Jirraban:    2016
20.  Harga-cuna:                 200 oo sano ka hor
21.  Dirxiile:                       250 sano ka hor
22.  Dheecaansato:
23.  Hayin-qalad:
24.  Dooryaanle:
25.  Gaatama:
26.  Jaahweyn:
27.  Haarriya:
28.  Ila-tali:
29.  Qorrax-madoobaad:
30.  Jaar-dhudhumiso:
31.  Kor-u-yaac:
32.  Diirato:
33.  Girmiic:
34.  Gaagmareeba:            
35.  Olol-dheer:
36.  Timir cuna:
37.  Kalloora:
38.  Qamaaciira:
39.  Jillab-hadhiso:
40.  Laba-seeddi-kala-jiida:
41.  Ha naaclayso:
42.  Aakhiro u guur (Haaf qayaame)

Abwaanku gabayga wuxu ku bilaabayaa araar aad u qurux badan isaga oo ku halqabsanaya laba nin oo ka mid ah saaxiibadiisa ay ka wada tirsanyihiin golaha hal-abuurka Soomaalida ee GURMAD. Labadaa nin oo kala ah Jaamac Ismaaciil Siciid “Shube” iyo Siciid Xasan Jicsin oo magaca awowgii “Eng Jicsin”.
Abwaanku sidii Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayuu araata maansadiisa inta uu shaal ku hagoogo u quus goynayaa rag badan oo aan toodu macne buuran ku fadhiyin. Isaga oo xusaya in aan maansada oodda laga qaadin ee ujeeddo iyo mab’da wanaagsan loo tiriyo, maansaduna ay u kala baxdo jaadad fara badan oo qaarkood lala jiboodo marka ay dhegaha dadka ku soo dhacdo, tiisuna ay jawhar ka sii tahay kuwaas lala xadreeyo. Dadkuna ay xiise iyo jeel daran ama boholyow u qabaan maansadiisa. Midh culayska, midabka la huwiyay iyo mabda’a uu ku dheehay marka aad dhegaysato ama alkhrido waxa xaqiiqsanaysaa in uu abwaan iyo murti yahanba dhan isaga duway, Waa halkii gabaygii ahaa[2]:
“Gabay waa araar iyo ubuc, uu afmeer xidho’e
Waa oogta feedhaha ka shida, waxan la eegayne,
Waa aalad lagu goosan karo, boqol umuuroode,
Aqoonteeda nimankii lahaa, kuma adeegaane,
Haddii aan akhlaaq lagu tuhmayn, amase eedaaba,
Haddaan eray wanaagsani ka hadhin, aayo laga waaye,
Maansada agoonta ah ragbaa, aabbaheed dilaye
Abwaankaan sarriigada aqoon, waa bilaa ubade,”
Araarta ka gadaal abwaan Cabdalla Maxamed Sigad “Muruudka” wuxuu ka faalloonayaa sida abaartan ba’ani u naafaysay noolaha, isaga oo ku horraynaya sida ay dadkii ehelka, xididka, xasabada iyo xigaalka ahaa u kala jiciirteen ee qaarba oon iyo gaajo meel hayjad ah ugu dhanqalmeen. Wuxuu ku dheeranayaa sida aan cidi uga badbaadin abaartan isaga oo soo qaadanaya xayawaannada kuwoodii ugu adkaysiga badnaa iyo kuwii aanay abaariba kari jirin sida ay u daba-jeediyeen. Waa markii uu ninka geel-jiraha ahi odhan jiray:
Marka Yalasluhu,
Yeedhi waayaa,
Adna Yoomaay,
Laguu yaabaa!

Gabaygan abwaanku ma aha mid faallo iyo falanqayn lagaga geyoonayo. Waa gabay u qalma in buugaag iyo taxanayaal laga qoro. Sidaa darted inta kale idinka ayaan idiin dhaafayaa.

Ja’da maanso jiimlayda gabay, jabaqda suugaanta,
Iska jiibi maahee jidbaa, lagu jiheeyaaye,
Inkastuu murtida jaamacaw, niniba gees jiito,
Jilbo iyo jabsimo weeye iyo, boqol kunoo jaade,
Isku jeesna maahee badhbaa, lala jiboodaaye,
Anse taydu waa jawharay, wada jeclaadeene,
Jeel daran ayaa loo qabaa, jinaw sidiisiiye,
Inkastoon u rogay jiiddadoon, gebi ahaan joojay,
Caawaan jaxaaskiyo ka furi, jeebadaan sudhaye,
 Jicsinaw jawaabtayda maqal, jabisay oodiiye.

U jeedada hadii aan jafoon, nuxurka jaan-gooyo,
Jawi qiiqay jaallaw abaar, jaaha naga leeftay,
Jaakiyo jiqdii baadyiyo, baladka kii joogay,
Jildareen[3] barbaarkii jamliyo, odayadii jiitay,
Marwo jiilan gabadh jawharoo, ubad jaqsiinaysa,
Juwayriya Jamiiliyo Jamaad, jalaqsanoo miigan,
Jamaaliyo qurayx jeerkan way, kala jiciirteene,

Jirjiroole jiifaagi iyo, gaabay jinaciiye,
Jeertiyo shabeelkii jufkiyo, jiirta lagu sheegay,
Jiiskii dhurwaa jooflihii, jala butaynaayay,
Jilbiskiyo kubrii jiitamiyo, jabisti guuxaysay,
Jinsigii dugaagiyo maskii, jririqlaynaayay,
Jirriqaa jibciid goosha iyo, gabaladii jiirka,
Xuurtiyo juglaydiyo intii, koru jibaaxaysay,
Jaamuus jilba castii riyaad, jaawo iyo ayro,
Juuciyo abaariyo nafbay, jiiqda la hayaane,

Jarmidii xidhnaydiyo jaleef, jeerin laga leexdo,
Jaw dheerti waataa jabtiyo, jamarridii geede,
Jirrid weyne Jiiciyo Maraa, jiliflehoo gaara,
Jillabkiyo Jaleeliyo la waa, jinawgi dheeraaye,

Jamaamiyo Shabeelaa Jubbaa, jaamidoo guudhaye,
Jadbigaa na haystiyo dhibkaa, jeerkan nagu hoobtay,
Aduun baa jahayn kara Rabbaw, jeexan soo dumaye,
Soomaalidaa jeelka iyo, jiidhka lagu ooday,
Juudiga ka saar geeribaa, jeedsi loo yahaye.

Nimanyahaw janjeedhbaa ka dhacay, jabadadeeniiye,
Baahidu junuunkay dhigtaan, jeerkan falanqayne,
Jirrabkiyo xanuunkaa jiree, juuq la odhan waayay,
Marku soo jilbadayee abaar, nalagu jeebeeyay,
Jalwisiyo jidaal wuu hadhiyo, jawkarbaan ahaye,
Midkastoo jikaartamahayoo, badaha jiidhaayay,
Jilbuhuu habaaskii la helay, jeedhadh soo dumaye,
Kuwii jaadka dhilanaanayayee, jinawga fuudaayay,
Jil ma dhuunyadaan iyo karuur, shay jidiin mara e,
Dal xiis kala jiciirtiyo taxaash, jimimiciisiiye,
Jaakeed ma qaataan jubado, jiimis qurux wayne,
Waakaa jidhkoodii qalallay, sida jillawdiiye,
Jaldigoodi waakaa hanfigu, jeexay haragiiye,
Waakuwaa jarcada yeeshay iyo, jidhifti geedkiiye,
Ka jaqaafe jaafaajugtii, mana jaleecaane,
Ilaahii Jibriil soo diree, Jaamicana keenay,
Raxmadiisu waa jaanisoo, johorod weeyaane,
Jaliil tuuga jeellaw ducaa, lagu jalbeebtaaye.

Hadaan ararta jeedaaliyoon, kuu jamiro hawsha,
Jaak haygal meeshuu jaglayn, amase Joon Keeri,
Joorjiya Jiniifiyo haddaan, Jayne dacal dhaafo,
Ama aan Jumaykiyo u kaco, nimanka reer Joordan,
Ama aan Jabbaan haybsadoon, jaqafsadoon luudo,
Jarmalkaana qaylada u diro, jananka Ruush jooga,
Dhibka uu jaliil noo qoriyo, jibindhawgaa yeedhay,
Ma jahayn karaayaan runtii, jabinnamaayaane,
Hayeeshee halkuu jaynafkiyo, jaanku naga raacay,
Waa diinta laga jiitay iyo, jawrka nololeede,

Dambigaynu juunjuunsaneen, daba jaclaynayno,
Jeeraan jitaynoo la jaro, lagana jiireeyo,
Sharcigiina jeedaalinoon, jamanno oon raacno,
Ama uu Jabbaar dhaafa uu, jabiyo jiilaalka,
Raxmad yaan la jeeqaaqin waa, lays jirrabayaaye.

Jiilaal gardaadsaday abaar, jaabe naga yeeshay,
Juuciyo jarkaa soo dumiyo, jeedhadhyada ciiray,
Yaan jees ka soo qaadanoon, jaanib ka astayne,
Dheecaansatiyo jaynafkii, jababki Diir-xiinle,
Daba-dheer jacdii Siigo iyo, jaraski Door-yaanle,
Kallooriyo jujuub tii la yidhi, Talada jeedaali,
Jadwalkii Qamaaciirka ee, samaha loo jeelay,
Jillab-hadhiso tii ay shamsadu, jamac madoobaatay,
Jawalaanki Xaaraama-cune, jalafsigii baahay,
Jicsinkii Bakaylaha midii, saanta laga jeexday,
Soortiyo biyaha tii jartee, jaar dhudhuminaysay,
Laba-seedi-kala-jiidadii, jaa’ifada keentay,
Hiinkaara jaxarkii baxiyo, jalaladkay reebtay,
Koru-yaac jarmaadkii socdaal, jiibta lala yeedhay,
Jinsigii Hawaariyo Girmiic, jabadki qiiqaabay,
Jarcadiyo harkaha tii sidii, jimidhka loo quutay,
Gabatiyo jiqdii diiratee, uunku kala jeestay,
Adhi-gaba jibaad Gaag-ma-reeb, jaanis laga quustay,
Jaah-wayn jugtii Haariyee, buuga lagu jiiday,
Hamba-laac Jambiga gaadhi tii, Jiibka lagu qaaday,
Gaatama jucuurtuu khalqigu, jiifka ledi waayay,
Mid kasii JIRRABANBAA dhaciyo, jiitamoo kale’e,

Jismigii abaaraa heloo, jaynaf macaluulye,
Hantidii Jabuutiyo fadhiday, jabadka Soomaali,
Neefaan jidhjidhanaa ma jiro, jiidhna laga waaye,
Jamdhadhkiyo jinaadii la waa, jiicimood hilibe,
Jalxad kayda joogiyo jawaan, jaambad iyo jeegag,
Jimidhiyo jallaatiyo la madhi, jaale garawgiiye,
Mid jafoo abaaraha jabshoo, jeelka naga reeba,
Mayay dhibica kala jeediyoo jimimicoo yuusay,
Cir caddaa jahaystoo jarayn, amase jeegaanle,
Jir onkoday gudgude soo jimbacan, jalliye xoogaystay,
Karan juguguclaynoo mirtii, jiifka laga tooso,
Todobkii jibaashaw ekaa, jirisay ruuxdiiye,
Jambaqii midaan laynin iyo, jimidhki soo doogay,
Jinaankiyo mid soo saara beer, laga jidiin quuto,
Jirda gooye eebaw nasii, jamatay laabtiiye.


Diyaariye/Qore: Maxamed Saleebaan Axmed "Gabbal"




[1] Raadraac: Cabdalle Maxamed Sigad Cabdulaahi Shire, Khadar Shucayb Cabdi “Hawd”, Deeq Maxamed Nuur “Geed-joog”, Axmed Aw-geeddi Maxamuud “Dheeraad” iyo Guuleed Yuusuf Axmed.
[2] Gabaygan waxa tiriyay Maxamed Saleebaan Axmed Gabbal, diyaariyaha barnaamijka Dhaqanka iyo Suugaanta ee Kayd
[3] Children (Ingiriisi) Carruur/ dhallaan
Ka xiga
Next Post »