Xidhiidhka afgarasho ee geela iyo dadka ka dhexeeya



Xidhiidhka afgarasho ee geela iyo dadka ka dhexeeya

“Nin walba awrkiisa waa is doob yaqaaniin”
(Geel-jire Soomaaliyeed)

Geelu waa carbismaa, hayin noqdaa, dadkana waa af-gartaa oo fahmaa marka ay la hadlayaan! Hadalkana waa ka war-celiyaa. War-celintiisu ma aha mid uu hadal kaga jawaabayo, ee ficil ayuu ku jawaabaa marka lala hadlo.
Ereyada geela loo adeegsadaa waa erayo, eray-geeleed ah oo badankooda geela uun baa loo adeegsadaa. Xoolaha kale na qaar way la wadaagaan si guud loogu adeegsado. Sida, dibso dibso ama didibso oo marka la dabrayo lagu la hadlo. Geela iyo Dameerahaba waa loo adeegsadaa.

Haddaba, erayadan geelu iskama barto ee waa la baraa oo marka la dareerinayo, la lisayo, la rarayo, la xidhayo, la xeraynayo, la carraabinayo, la hoynayo iyo marka la godlayaba waa erayo aan intaaba afka laga dhigin. Sidaa darteed neefka yari geela ayuu ku dhex koraa isaga oo la falgelaya adeegsiga dadka iyo ka war-celinta geela uu ku dhex jiro ka warcelanayo erayadan.

Tusaale, ahaan marka awrka la hoggaaminayo ee xadhigga qoorta lagaga xidhayo. Afka markaad doonayso inaad ku soo laabto oo aad keenayso, xadhiga la gaadhi maysid afkiisa markaa waa inaad awrka la hadashaa si uu afka hoos u soo dhaweeyo, si aad xadhigga ula gaadho, adoo leh "Keeno keeno". Meelaha qaarna dhigo dhigo. Markaas ayuu hoos u soo hoogaamiyaa (foorariyaa). Macnaha eraygu keen ayuu ka yimi oo afka ayaa awrka keen lagu leeyahay, sidaasaana keeno loogu yidhaadaa. Hadal iyo dhammaan waa afka keeno awroow. Intaa marka uu kaa maqlo isna afka ayuu hoos u soo foorarinayaa. Marka aad hoggaanka ku xidho, ee aad damacdo inaad la dhaqaaqdo, erayga "Oho Oho" ayaa la yidhaadaa si uu kuu raaco, socodkana u bilaabo.

Awrka, haddii marka aad rarayso uu dhinac dhinac u fadhiisto, si uu si toosa u fadhiisto qofku "Samay samay" ayuu yidhaadaa. Ka dibna isla markiiba wuu is toosiyaa.

Hasha, marka aad lisayso inta aanad gaawaha la hoos gelin, si ay candhada gorof-legedyada uga dudo waa inaad tidhaadaa faadhumayso ama bannayso. Ka dib hashu way is kala bixin oo candhada ayey lowyada ka duway.

Nirgaha, marka la xeraynayo waxa la adeegsadaa erayga "Idigso idigso" ama "Edeg edeg". Ka dibna edegga ayey si toos ah u gelayaan.

Intaas iyo in ka sii badaniba waa erayada geela lagu la hadlo, ee loo adeegsado, marka hawl kasta oo geela la xidhiidha la qabanayo.

Gabyaagii la odhan jiray Cabdi Xirsi ayaa la sheegay in amin hore awr ka fadhiistay, xanuunkii hayeyna waa la garan waayey iyada oo aan dushiisa wax dhibaato ahi ka muuqan. Cawska loo soo dhigana cunaya. Marka laysku dayo in la kiciyana cagaha laabanaya. Markii 13 maalmood loo geedo gurayey ayaa maalintii dambe geel jirihii yidhaadeen "Cabdiyow, annagu saaka geela ayaan aroorinaynaa" Wuxu yidhi "13 caanamaal baa awrka la baxnaaniyee maanta iigu dara". Waana laga yeelay. Dhallintii ayuu ku yidhi ina keena waranna wuu soo qaatay. Awrkii oo fadhiya ayuu dul yimi una tiriyey gabaygan:

Awryohow sallagan waa digaa, suudal yuurura’e,
Seedaha lugeed kaama mudin, saydho qodoxeede,
Sakaaf iyo dhukaan kuma hayaan, saaka kaa uriye,
Saynlow libaax kuguma jarin, sulubbadiisiiye,
Saddex iyo haddaan toban habeen, meeshan kugu saaday,
Saadambaa la guuriye haddii, socod lagaa waayo,
Warankaa la soofeeyey ee, sikhilku xiiseeyo,
Haddii aan salaaddii ku marin, samirna kaa qaadan,
Dhallinyarrada saafkaaga jecel, soleyga kuu qaadan,
Alleylehe sirqada loo gabyiyo, saaqid anigaa ah.
                                                        
Intaa ka dib ayaa awrkii baqday, dareenna galay oo booday. Waxa la sheegay awrku markii uu arkay warankii lala dul taagnaa, dhaartiina maqlay ayaa wixii hayeyba ka ba’een, oo socday isaga oo fahmay in ay tahay fursadda keliya ee uu haystay. Haddaba, waydiintu waxa weeye geelu dadka sow ma af-yaqaanno?

Arrintaa waxa ka sii yaab badan, nin ay hashiisii wada hadlayaan. Caadada gabyaaga ayaa ah inuu hadba meesha gabaygu qabanayo inuu si farshaxamaysan u qabadsiiyo. In mayeedhaanka maanso lagula hadlo sidii laba qof oo wada sheekaysanayaana way ugu xiiso badan tahay, oo mar gabyaaga iyo mayeedhaanka ayaa waydiin iyo warcelin is dhaafsanaya, marna waa xayawaankii oo maansoonaya gabyaaguna weriye u yahay iyo siyaabo kale oo ay u dhigaanba, waa gabyaaga awooddiisu hadba inta ay gaadhsiisantay. Gabayada[1] noocaas ah waxa ka mid ah kan:

Hal baa oloshayoo waxay tidhi, sow Islaam ma lihi,
Waxaan idhi maxaa kuu olyaday, waanan ku ogayne?
Waxay tidhi mudkaygaa wax galay, gaajo waxan mooday,
Waxaan idhi xaggee geedaloo, galangal kuu qaaday?
Waxay tidhi anaa garanayee, Guban halay geeyo,
Waxaan idhi  abaar baa madhee, ood lagama goyn,
Waxay tidhi gelgelinsoow maliye, meel Gulaan badan,
Waxaan idhi habaar qabe rag baan, loogu hiranayne,
Waxay tidhi hub baad leedahaye, ila hareer joogso,
Waxaan idhi haggaagayga day, haaro waxa jeexan,
Waxay tidhi horaadkayga day, holosh waxaa buuxa,
                                                                                                                                                                       
                                                            
                                                                                                  
  FG: Qoraalku waxa uu ka mid yahay buugga XER-U-DHALAN "Sooyaalka iyo Suugaanta Geela" ee bishan Ramadaan la daabacayo ee Filasho wacan akhristeyaal.

[1] Gabaygani waa jacbur oo ma aha gabay xaraf-raac ku socda.
Ka xiga
Next Post »