1.1 Heerka jacaylka geelu Soomaalida ka gaadhay
“Weynidaayoo,
Wanaagsanidaa,
Wax’se ka wacnayd,
Adoo waaroo,
Aan wedba lahayn”
(Hees-howleed)
Jacaylka geelu waa mid ku wayn qof kasta oo
Soomaalida ka mid ah, ha dhaqdo ama yaanu
dhaqane. Dadyowga duniduna way la qabaan sida Carabta oo kale. Soomaalida se jacaylka
geelu halkuu ka gaadhay lama hayo cid la mid ah. Sida maandooriyuhu u beddelo maanka ayuu u saameeyey, taana waxaad ka sawiran
kartaa sida ay suugaanta ugu cabbireen had iyo jeerna ka dhigaan inuu yahay
xoolo gobeed. Waxayna gaadheen heer aanay geela cidna siin, cidna u dayn. Haddii xidid iyo xigto ay waydiisatna ay
odhan jireen Geel adiguna ha bixin,
nin kalena ha u dayn! Taas oo ay uga jeedaan, adiguna ku fara adayg nin kale na
yaanu kugu ag maaline ka dareerso. Arrin kale oo ka sii daran taas oo nin
Soomaaliyeed oo Ciise Umal, la odhan jiray laga reebay ayaa waxa ay ahayd; in uu geelii ka bixin waayey sakadii iyo sadaqaddii, siduu u daba
joogayna soon iyo salaadba ka tegay markii la waydiiyeyna ku jawaabay tix caan baxday oo ahayd:
Sako iyo maxaa iiga dan ah, qaalmo subax dhaadka,
Sadaqiyo maxaa iiga dan ah, geel nin kale siinta,
Soon iyo maxaa iiga dan ah, caano subax-diidka,
Salaad iyo maxaa iiga dan ah, suxulo maydh maydhka.
Waxa ka mid
ah mahadhooyinka geel jacaylku Soomaalida ka gaadhay, in
haddii neef dameero ahi geela soo dhex galo la
toogan jiray, lana odhan jiray geela ayuu shaashaynayaa, oo cadho iyo cudurro ayaa uu ka qaadayaa. Sidoo
kale, geela looma oggollaan jirin in haweenku lisaan ama taabtaan. waayo habaar
ayaa loo haystay iyo sharaf dhac arrintaa mana ay
dhici jirin.
Soomaalidu waxay u arkayeen qofka aan geel
lahayn iyo in qofka gunta ah ay isku mid yihiin, ninka aan lahaynna xitaa lama
soo martiyi jirin, waxayna isku kiis ahaayeen qofka gunta ah, oo waa kuwii
lahaa Geel nimaan lahayn iyo
guntia yaa martiyi jiray?
Sidoo kale waxa
ay aaminsanaayeen in ninka aan geel lahayni uu caydh
baqtiyaysa ahaa. Arrintaana hawraar ayey ku
sheegeen sidan u dhignayd:
Geel nimaan lahayn,
Gaajaa dishaye,
Geeraa u roon.
Run ahaantii, halkaas ayey gaadhsiiyeen ninkii aan geela lahayn, taasina
waxay dhalisay inuu nin waliba geel yeesho xalaal iyo xaaraan midkuu doono ha
noqdee, inaan xeradiisa geel laga waayin. Taas oo dhalisay in uu nin
waliba ku nidar galo sidii
uu geel u soo dhici lahaa, sida uu gabaygani[1]
inoo tusaalaynayo:
Badda jiidhayaa iyo
berriga, jaanta mariyaaba,
Wallee geel jacaylkaan u qabo, wow jirrabi ruuxda.
Mar kale, heerka ay Soomaalidu ka gaadheen
lexajeclada geela waxay gaadhsiiyeen in marka tuludi
xanuunsato ama dhimanayso aanay qalan jirin oo siday u dhuunyeedhinayso neefku ka baqtiyi jiray lexajeclo iyo jacayl
awgeed. Waxayna odhan jireen, nimaanu ka baqtiyini ma baxnaansho, taasoo
tilmaamaysa in lexajecladoodii gaadhsiisay in xataa nolol daayoo ay ku hilib
waayi jireen iyaga oo saruuradoonaya[2].
Soomaalida heerka ba’an ee jacaylka iyo ku fara
adayga geelu waxay ka gaadhay inay ka saaraan geela xoolaha muquunada
laga bixiyo ee dadka qaraabada ah la siiyo, deeqdana aanu u qalmin ee ka
meeqaam sarreeyo oo waakii gabyaagii Xaashi Cilmi Indhoole lahaa:
Xidid kuugu roon iyo walaal, ku xiga mooyaane,
Xakawdaadu waagay
go’dee, lagu xabaalaayo,
Xawadaada wiilkii ahaa, ku xusi maayaane,
Xisaab li’i raggow yuu ku bixin, geel xaqii culuse.
Nin kale, oo isaguna ka gabyey jacaylka geela iyo siduu ugu
masuugo. Magaciisu’se aanu i soo gaadhin. Gabaygiisuna kan hore la xaraf yahay, ayaa nin ay xigaalo ahaayeen soo martiyey, kuna yidhi "Hebelow geela wax
iga sii" ka dibna wuxu ugu jawaabay:
Xidid iyo xigaalaynu nahay, xiito lagu waaye,
Xabiib baynu nahay geel mindhaa, ka xadi
weeyaane.
Kama geyoonayno siday Soomaalidu geela u jeclayd iyo
halkay gaadhsiiyeene. Gabyaa la odhan jiray Cabdi Aw-Aadan ayaa isagu ka dhigay geela
qaybo ka mid
ah xubnaha muhiimka ah ee jidhka sida wadnaha iyo dhabarka oo kale iyo in geelu
yahay waalid oo kale dhib kastana kaaga gaashaanta geerida mooyaane. Tuducyadii
uu kaga maansoonayeyna waxa ka mid ahaa:
Allaa waaxidee geelu waa, wadanaheenniiye,
Waa waafigii dhabarka iyo, waaxyo kugu yaalle,
Waa waalid kuu roon markaad, wax iska towdaaye,
Wed ma baajiyee sida kaluu kuu, waxtarayaaye.
Cabdi-Galayax, geeraar uu kaga faallooday dhaqidda geela oo tuducan hoos ku
qoran ka mid yahay,
ayaa ka warramaya jecaylka uu geela u qabay. Gaar, ahaan
sida uu nirgihiisa u xannaanayn jiray ama ula dhaqmi jiray. Wuxu yidhi:
Nirgaheeda Dhammaysna,
Carruur baan ka dhigtaayoo,
Dhabtayday ku gam'aanoo,
Hadba waan dhunkadaa
Jacaylka geela loo qabo dartii
iyo si aanu qofka leh gacantiisa uga bixin ayaa dad badan ku guur seegeen.
Maxaa yeelay, qofkii gabadh haweystaa, waa inuu geel ka bixiyaa. Arrintaas,
Cabdi-Galayax ayaa geeraar uu tiriyey kaga
maansooday oo yidhi:
Intaan dhaafsaday naagana,
Kama dhiibin haweenoo,
Dhacaas wawga tudhaa.
1.2 Aaskii hashii Garawo
“Nimaanu ka baqtiyini ma baxnaansho”
(Maahmaah)
Meel Waqooyi ku beegan oo aagga Dhagax-buur ah, haddaynu beegnana ilaa 6Km u jirta, kana tirsan dawlad degaanka Soomaalida. Ayaa amin hore la sheegay in uu nin degenaa geelna ugu dhaqnaa. Sida la soo tebiyo, waxa dhacday inay dhuun-yeedhisay hal uu aad u jeclaa oo Garawo la odhan jiray. Siduu u eegayay isaga oo qaadan la’ Garawo in ay xerada ka baxayso ayey ka baqtiday halkiina naftii kaga baxday. Ninkii jacayl uu u qabay isaga oo ay ka dhaadhici wayday ayuu go’aan ku gaadhay in hashiisii uu jeclaa kol hadday dhimatay la aaso oo sida dadka qabri loo qodo! Yaab iyo amankaag ayey noqotay. Isna tolkii ayuu ku dhex dhacay isaga oo leh “Xillahay ku furan haddaynu is sheegano, idinkoon Garawo ila aasin!” Fajac iyo dhabanno hays ayey noqotay iyo wax aan la liqi karin.
Ugu dambayn
tiisii ayaa la yeelay oo jigleyaasha ayaa xabaashii loo qaatay si marxuumadda
loo aaso isna u nefiso. Hal baqtiday xabaasha qaadaysaa tolow waa imisa mitir?
Kafantu se’ waa imisa waar?
Diyaar
garowgii aaska Garawo mid madaxweyne ayuu ka howl badnaa. Kafanta
waagaas hore looma heli jirin qaalina way ahayd, oo ta dadka ayaa marmar lagu
daahi jiray, halna maxaad u malayn? Kafantii hasha qiimaheedii wuxu noqday neef
geel ah! Sidii baana lagu soo iibiyey. Waa amuur yaab leh oo hal hal ku kafan ah markii la
dhammeeyey, la kafmay ayaa la iil dhigay! Ka dibna, dhowr geela la axansaday iyadiina faataxada loo maray, oo
halkii lagu maamuusay.
Muddo dhowr
sano ah ka dib, ayaa halkii qabriga Garawo ahaa reero hayaani damceen inay degaan.
Arrintii ayuu maqlay ninkii hashu ka dhimatay, ka dib wuxu dhaar ugu maray
inaanay degayn ilaa ay mid sameeyaan mooyaane, taas oo ahayd; inay siyaartaan
qabrigii Garawo! Ku dul ducaystaan! Xoolana ku qalaan! Waa dad caamo ah oo
cawska iyo geedaha uun raba’e amarkiisii ayey yeeleen. Mar labaadna Garawo waa
loo duceeyey in qabriga loo balaadhiyo! Siyaaradii markay dhammaatay ayay
aaggii iska degeen, muddooyin dambena geddii hore oo kale ayaa dhici jirtay.
Meeshiina caan
ayey noqotay, ilaa haddana waa la yaqaanaa goobta Garawo la yidhaado iyada oo uu baaqi noqday magacii
hashii dhimatay ee aaskeeda loo dhammaa! Degaankiina hadda Garawo ayaa loo
yaqaan.
F.G:
Sheekadani waa mid dhab ah, aniga saaxiibkay Ridwaan Maxamuud oo Jigjiga
jaamacad ka dhigta ayaa iiga sheekeeyay mid ka mid ah raggii hasha aasay ee
iilka dhigay kana gabyay markii dambe oo uu magaalada Jigjiga kula kulmay,
inankiisa ay saaxiibbo yihiin Ridwaan.
[1]
Gabaygan ninkii tiriyay si
sax ah looma hayo, waxa lagu sheegaa dhawr nin oo kala ah Faarax Laanjeer, Cabdi-galayax iyo Asban Xasan Deri oo Idaajaa ku sheego.
Waxa isna la raaciyaa raggaas Cali-dhuux.
[2] Saruuraddu waa marka hilibka
laga raago ee qofku hilib tebayo.
[3] Sawirradan laga qaaday Xawaalka
Garawo, waxa aan ka helay cilmibaadhe Cabdalle Cumar Mansuur, qoraaga buugga
“Taariikhda afka iyo bulshada Soomaaliyeed”
[4] Sawirradan waxa aan ka helay
cilmibaadhe Cabdalla Cumar Mansuur.
ConversionConversion EmoticonEmoticon