Waxyaabihii ay ka yidhaadeen aqoon yahannadii iyo Suugaan yahankii akhriyey buugga XER-U-DHALAN

“Anaa hadhay looma hadlee,
maxaa hadhay baa loo hadlaa”
(Maahmaah Soomaali)

Markii buuggu soo baxay, aqoon yahankii, wax-garadkii, waaya-arggii iyo haldoorkii bulshada qaar ka mid ah oo soo akhriyay wixii ay ka yidhaadeen ayaa halkan lagu soo qaatay erayadii dhiirrigelinta iyo ammaanta ahaa ee ay u soo jeediyeen buuggan iyo qoraagaba.


1.      Buuggan Xer-u-dhalan ee “Sooyaalka iyo Suugaanta geela, waan akhriyay in badan. Runtii aad iyo aad baan ugu farxay maan arag beryahan iyo beryahan intii aan garaadsaday nin dhalinyaro ah, da’daas ah oo dhaqanka iyo geela sidaas ugu talax taga. Markaa aad baan ugu dhiirrigelinayaa.

Wax dhaliila oon ku arkay ma jiraan. Dhalinyarada dambe ee la ayniga ah ama ka dambeeya waa in ay ku daydaan oo dhaqanka iyo afka aad soo noolaysaan. Waayo aqoonyahannadeena waxa lagu ibtileeyey dhaqan shisheeye iyo wax aynaan shaqo ku lahayn. Haddii intii wax inoo baratay dhaqan shisheeye faafiyaan keennii waa dumayaa. Markaa dhalinyarada waxa aan ku dhiirrigelinayaa in ay u soo noqdaan dhaqanka iyo hiddaha oo ay ku daydaan ninkaa dhalinyarada ah iyo ciddii ku tabantaabisay hawshaa qiimaha weyn.

Axmed Colaad Digaale (Qorane) abwaan, suugaanta
Soomaalida kaydiya aadna u ilaaliya, badanaana
ciddii wax qoraysaana ka tixraacdo
suugaanta iyo taariikhda.

2.      Buugga Xer-u-dhalan, waa mid innoo sida aqoon ballaadhan oo ku saabsan geela aan dhaqanno ee laf dhabarta u ah dhaqaalaheenna. Waxa uu qoraagu si buuxda isugu hawlay in uu akhristayaasha iyo cilmibaadhayaashaba u noqdo buuggani maktabad ay si fudud uga helaan aqoonta ku saabsan geela ee tan iyo maanta laga qoray, waayo? Weli inta aan hubo ma arag cid sidan oo kale wax uga ururisay geela. Marka aad si deggen u akhrido baad ogaanaysaa aqoonta dhisan ee dadka Soomaaliyeed u leeyihiin dhaqashada iyo dhaqaalaynta geela. Intaas oo dhan waxa u dheer suugaanta geela la xidhiidha inteedii baarka sare ahayd baa buuggani si qurux leh kuu soo hor dhigayaa. Runtii buuggu wuu ila sarreeyaa, waxa dhammaanteen ila habboon in aan u aqoonsanno in uu buuggani yahay “DIIWAANKA AQOONTA GEELA”. Qoraaga waxa u waajibtay in aan ugu hanbalyayno hawshaa culus iyo dhaxalkan buuran ee uu ummaddiisa u kaydiyey.

Cabdalle Xaaji Cismaan qoraa, suugaanta
iyo taariikhda Soomaalida baahiya
aadna u ilaaliya.
Djabuuti, Jabuuti.

3.      Qoraa Maxamed Saleebaan Axmed, dhiganihiisan Xer-u-dhalan ee “Sooyaalka iyo Suugaanta geela waa aqoontii geela oo dhammaystiran. Sheekana ma moodide shaahid buu kuu tusayaa geela heestiisii, hawshiisii iyo halabadiisiiba. Waxa aad u qaadanaysaa marka aad buuggan akhrido in aad dhex joogto, xeradii uu geelu ka dareerayay, darkii uu ka cabbayay iyo daaqii uu ku foofayayba. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Ilaahay markuu adduun kula doonayo ubadkiisuu ku siiyaa”. Qoraa Maxamed, waa barbaar da’yar. Baadiyana kuma hanaqaadin. Haddana xogta uu geela inaga siiyay may xusin hortii raggii ayniga iyo aqoon ba ka weynaa. Miyay hagradeen, mise way hidin kari waayeen?

Waxa la yidhi “Nin ani yidhi dad iska reebye” haddaan Guuleed, ahay dhibta geela, dheeftiisa iyo dhaqashadiisaba inta Maxamed ka yidhi ama ka yaqaan, kama idhaadeen kamana aqaanno. Haddaba ma hibo u gooniyaa? Ma halgan uu bixiyay baa? Ma hawlkarnimadiisaa?

Maxamed, waxa aan leeyahay fikraddaad curisay iyo ficilkaad qabatayba waad ku amaanan tahay. Ninba ceesaantii ceel gaysay. Xadaaraddaadii iyo xoolahaagii baad suuq gaysay. Karti iyo kalsoonina waad muujisay. Nin abaal galoo loo ogyaad tahay. Bulshadana dad iyo dawladba, waxa aan leeyahay nin baa hore ugu gabyay:

Maandeeqda geeliyo lo’ iyo, adhi malyuumaada,
Mulkigaynu xoolo u lahayn, magaca Soomaali,
Dalkeennuba macruuf wuxu ku yahay, waa mawaashiga.

Waxa aad daysaaba way ku daayaane, xoolihii goortaynu ka tagnay iyana way tageen. Innagu waynu ku noolayn, iyaguna way innagu noolaayeen. Haddii aynnu gabno way ina gabayaan. Hadalkana waxa aan kaga tegayaa “Xoolaa laxaad lehe wax kale, libin ma gooyaan”.

Guuleed Yuusuf Axmed: Abwaan suugaan qiimo
 badan leh ahna kayd haya suugaan badan
oo raggii hore inooga tageen.
Hargaysa, Soomaaliland.

4.      Buuggan Xer-u-dhal ee “Sooyaalka iyo Suugaanta geelu” waa dhigane xambaarsan aqoon iyo tixraac fac weyn oo da’yarta uu tusaale ugu noqon karo Maxamed Saleebaan, si ay diiwaanka ummadda waxtar madhax leh uga dersaan. Wax aan leeyahay Maxamed, qalinkaa ma jabo.

Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax: Aasaasaha
 xarunta Kaydka, Dhaqanka, Akhriska
iyo Hal-abuurka ee Maxamed Mooge,
Hargaysa, Soomaaliland.

5.      Xer-u-dhalan waa dhigane dhudhub shareeran iyo laba dhagax dhexdood kala soo dhex baxay aqoonta geela iyo idil ahaan isirrada noloshiisa hadheeya.
Qoraagiisa da’da yari waxa uu soo bandhigay muuqaallo aqooneed oo gu’tirsigiisa ka fac weyn. Buuggani waa u dhaxal inta nool iyo kuwa laalan ee dhabarka iyo kalxamaha jiifa.

Maxamed Baashe X. Xasan: Saxafi iyo qoraa
ruug-caddaa ah. Waa agaasimaha Muuqaal
baahiyaha “Star TV” waana qaoraaga
buugta Hal aan tebayay iyo
Guri waa haween,
Hargaysa, Soomaaliland.


Ka xiga
Next Post »