Meel bur cawsa leh
Oo biyo u dhaw
Baadi goobyoo
Biciidkuba waa
(hees-hawleed Lo’da lagu
waraabiyo)
Xog ku saabsan
Biciidka
|
Labka
|
Dheddigga
|
Joogga
|
1.2
M
|
1.2
M
|
Culayska
|
150
Kg
|
145
Kg
|
Culayska
uu ku dhasho
|
7
Kg
|
7
Kg
|
Inta
uu naaska jaqo
|
6
Bilood
|
6 Bilood
|
Da’da
qaangaadhnimada
|
3
Sano
|
3
Sano
|
Sidka
|
-------
|
6-
9 Bilood
|
Inta
ilmo ay dhasho markiiba
|
-------
|
1
Ilme
|
Da’da
noloshiisu gaadho
|
10 sano
|
10 sano
|
X.S: (http://www.qorahay.com/wax-kabaro-khayraadka-dhulkaaga-hooyo-ee-ogaadeeniya/)
Biciidku ugaadha duurka ee waawayn
ayuu ka mid yahay. Wuxu ku noolyahay howd, sudaha iyo meelaha aan dhirta
badnayn ee cawska badan, dooga iyo bilcilka ayuu daaqaa. Waa bahalka ugu
geesaha fiiqan xayawaanka. Geesahaas oo gaadha ilaa hal mitir (1M). Waxa xusid
mudan, in dheddigga geesaheedu ka yara gaabanyihiin kuwa labka. Dheddigiisu waa biciid, labkuna waa Saryan.
Dhashiisu marka ay yaryartahay, kuwa dheddig waxa la yidhaadaa Dheddigo,
labkuna waa Sawaro. Tirada mar is raacda ama wadartiisa Yahaab qamaamalay
ayaa loo yaqaan.
Saryanku marka ay Sawarradu
waawaynaadaan ee ay koraan wuu saaraa (eryaa) wuuna sahamiyaa, wuuna is raad
guraa oo haddaad ku sugto meel uu saaka soo maray wuu kugu soo noqonayaa oo wuu
soo laaban ogyahay. Sidaa darted ma aha xawaanka hadhsada ama hogta, waa tii
Soomaalidu hore u tidhi ‘’wallee Saryan gooni-daaqi, ma hadhsado’’. Saanta biciidka waxa laga jeexaa suunka
Maddannado oo la siisan jiray sabeeno idaha ah muddooyinkii hore.
Biciidku sida Goodirka ayuu u nabad
jecelyahay, inta badanna waxa lagu arkaa iyada oo ay ku soo eertaan[1] ugaadha
yaryar ay Deerada iyo Sakaaradu ka mid yihiin. Waxa uu leeyahay fool (weji)
caddaan iyo madow isku dhafan, aadna u bilicsan. Midabkiisu waa caddaan xigeen
dhinacyada iyo caashana ku leh liidad madmadow, bogga hoose waa caddaan xaruuri
ah. madaxa waxa uu aad uga egyahay riyaha, qaarka dambena Dameeraha ayuu uga
egyahay, sayntiisa dambena waa ta Dameeraha oo kale. Biciidku xilliga
barwaaqada ayuu rimaa. Sidoo kale, Biciidka qaan gaadhka ahi jooggoosa waxa
lagu beegaa 120 Cm. waxa uu ku jiraa xayawaanka kooxaha oo waxa wada socon kara
10 – 50 Yahaab qamaamalay ah oo Biciid ah. inkasta oo badanaa la arko lab
keligii noole (sagan daaq ama gooni daaq) ah.
ConversionConversion EmoticonEmoticon