XAMBOORO - Waa legdanka aad qofka labadiisa lugood, lugtaada xagga shishe ka mariso gacantaadana faadhihiisa ama luquntiisa aad ka buuxsato oo hore hore aad isu soo dhaafiso, dhulkana aad ku dhufato.
SINSAARO - Waa legdinta aad qofka intaad xuurto ku qabato sintaadana aad saarto oo isusoo dhaafiso hore hore.
BEERSAAR - Waa aad qofka intaad feedhihiisa gamcaha ka buuxsato, aad beerka ku qabato iyo laabta, xagga dambe isu dhaafiso.
TABCO - Waa marka, qofka aad legdamaysaan aad lugta, lugta ugu marto oo aad kaga cabaadiso.
SABBAAXAD - Sabbaaxaddu waa laba nooc
SABBAAXAD NIGIS - Waa marka aad qofka guntiga qabato (hore ama dib) ee aad is dhaafiso.
SABBAAXAD NACNAC - Waa marka aad labada gamcood ama garbaha qabato ee aad tuurto. Sabbaaxaddani waa mid badanaa jabniin keenta oo qofka sanqadh ayaa ka yeedha marka uu dhulka ku dhaco (BAC ama DHAC). Waa sabbaaxad si awood leh qofka loo tuuro qofka yaqaanna waa layska ilaaliyaa.
DIBI-ROOTI - Waa legdinta qofku markuu gondaha kaa soo galo ee dhexda iskaga kaa maro, aad intaad gacmaha dhexdiisa ku qabato korna u soo qaaddo adoo dib isu dhaafinaya, inta aad isla gaabiso tuurto.
Eraygan DIBI-ROOTI dadka qaar baa u yaqaanna harraatidada dib, dib laysugu dhufto marka laadlaadka la ciyaarayo.
DHABAR-JEBIN ama ADHAX-JEBIN - oo ah marka qofka aad la legdamayso intaa gadhkaaga halkaa koodka kaga qabato aad hoos u haddaadiso, dabadeedna qofku isga oo aan is "kaantarooli" karayn uu dib-dib u dhaco.
JILIB-DAAR - oo ah marka aad qofka lawgiisa ama jilibkiisa aad kaaga ku qabato si aanu u dhaqdhaqaaqin deedna aad dhinac u legedo.
"Qaar ka mid ah qaababka laysu qabsado marka la legdamayo"
XAG - Oo ah mrka labada qof ee lagdamayaa midkood labada gacmoodba ku qabsado midna gacan kaliya.
MIJO – Qofbaa lugaha loo deynayaa, labada gacmood ba wuu ku qabsanayaa, qofka kale na wuu istaagayaa isaga oon haysan.
DHAMME - Labada qofba isku si ayey isaga buuxsanayaan.
Ururintii: Tixmagabe Saleebaan
Tixmagabe20@gmail.com
Tixmagabe.plogspot.com
Xigasho- Cabdale M. Sigad, Maxamed Mawlid M. Quraysh, Salebaan Haybe, Jaamac Ismaaciil "Shube" Cabdale "Sikhaawi"
Ku soo dara waxaad ka dhaafay iyo intaanan garnaynba
ConversionConversion EmoticonEmoticon