Imaam Axmed kuma ayaa uu ahaa?
“Gabay iyo in geed laga hadliyo,
gobannimaan sheegtay,
Garbadaan ku tiirsaday rag inu,
garab maraan sheegtay,
__Wiil-waal,
“Ma goblamin Darwiishkii,
Axmed Gurayna muu dhiman,
Geenyadu ma daallana”
__M. I. W. Hadraawi,
Waa
Axmed Ibraahin Al-qaasi “Duulane” ama “Duulaan badane” nin karmeedkii
inan-golyeedka ahaa, halyeeygii libta, boqorkii hoodada badnaa, ilayskii
Islaamka geeska Afrika. Waa tafiirtii iyo dhashii mujaahidiintii diinta ee
astaantoodu jihaadka ahayd, ee isna Alle dartii u shahiiday.
Hormuudkii
holdoorka geeska, Baashihii hoggaamiyeyaasha islaamka ee mandaqandan. Waxa uu
ku dhashay tuulada Hoobato ee gobollada Herer sannadkii 1488kii.
Dhallaanimadiisii waxa uu ku soo kacaamay magaalada Herer. Magaaladaas ayaa uu
ka dhigtay quraanka isaga oo ku xafiday quraanka. Axmed Guray, isaga oo aan
weli qaangaadhin ayaa la soo weriyay in uu ahaa wiil aad u firfircoon oo
hawlkar ah. Ragganimo iyo geesinimo dheeraad ah oo aan lodkiisii lagu arag ayaa
uu la golayimi. Aabbihii isaga oo aan gaashaanqaad noqon ayaa uu dhintay,
dabadeedna hooyadii ayaa u soo qaadday magaalada Saylac. Halkaas oo uu ka sii
watay barasha diinta iyo quraanka. Sidii dadkii reer Herer ayay kuwii reer
Saylacna u arkeen Axmed Guray in uu yahay wiil dedaal iyo ragganimo badan.
Markii uu waynaaday waxa ka soo muuqatay haybad iyo golajoognimo ballaadhan.
Sayid
Axmed Guray, waa imaamkii ku caan baxay jihaadka iyo u hiilinta diinta
islaamka. Dhiganeyaasha iyo kutubta mahadhada ayaa uu baal dahab ah kaga suntan
yahay. Dhaxalkii halgankiisuna waxa uu noqday mid ay gaalo iyo islaamba ka
faalloodeen, xuseen oo kaydiyeen. Sayid Axmed Guray, dadka ka markhaati kacay
sayidnimadiisa waxa ka mid ah culimo waaweyn oo cilmiga diinta looga danbayn
jiray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen;
1. Cali
bin Cumarkii Shaadiliga quraysheed ahaa ee Yaman ka soo jeeday. Sheekhaas oo
buuggaagta taariikhdu tibaaxeen in uu Imaam Axmed karaamooyinkiisa ku sii
sheegay.
2. Imaam
Al-Mascuudi iyo rag kale oo ay isku xilli ahaayeen Imaam Axmed. Kuwaas oo
sheegay in uu Xabasha oo dhan gacanta ku dhigay, buuralaydeeda iyo
bannaannadeedaba hantiyey. Isaga oo dulleeyay kuwii gaalada ahaa ee isla
weynaa, maadhoodii iyo sadadoodiina qaybiyay, kiniisadahoodiina wada gubay.
3. Sayid
Maxamed bin Axmed Maxamedkii Quraysheed ee reer Tuunis, waxa uu yidhi;
“Imaamku (Axmed) rukun weeye ka mid ah
rukunnada Ilaahay –dhab bay ahayd in uu sidaa ahaa- oo uu yahay seef ka mid ah
seefaha Alle. Isaga ayaa uga raalli noqday in uu diintiisa u hiiliyo, gaaladana
uu muquuniyo, kutubta hallawgana uu googooyo, guryaha been abuurkana gubo iyo
in uu kala firdhiyo isbahaysiga sharka. Arrinkiisu bilawgiiba mid loo bogay ayaa
uu ahaa. Talooyinkiisa toosan, guulihiisa caanka ahaa iyo abaabulkii weynaa ee
ciidankii guushuba mahadhooyinka laga sheekaysto ayay ahaayeen”.
Sansaankii gobolka ee jihaadka dhaliyey
Degaanka geeska Afrika waa meesha keli ah ee saddexda
diimood samaawi; Yuhuud, Kiristan iyo Islaamku, - haba u soo kala horreeyeene-
ku kulmeen, iska hor-imaadyo adagina ku dhex mareen. Way dhici kartaa in
bilawgii si nabad iyo xasillooni ah lagu wada noolaa, laakiin mar haddii
rumaysnaanta iyo caqiidada lagu kala tagsan yahay xurguf iyo dagaal waa
jirayaa, waana uu jirayba. Qoomiyaddaha waqooyiga Itoobiya ku nool ee Xabashida
iyo Tigreega, diinta Masiixiyaddu waxa soo gaadhay amin hore oo ku siman
qarnigii afraad ee Miilaadiga, Islaamku se laba qarni ka dib ayaa uu dunida ka
soo iftiimay, markii Qur’aanku ku soo degay nebi Muxamed (N.N.K.H.A). Marakaas
oo faafitaanka Islaamku ka bilaabmay Gasiiradda Carabta. Halkaas oo ay
Muslimiintii u adkaysan waayeen dhibaatadii iyo cidhiidhigii reer Maka,
dabadeedna uu nebigu (N.N.K.H.A) uu talo ku siiyay asxaabtii in ay u hijroodaan
dhulkii ay Carabi u taqaanay degaanka Xabashida oo ah Geeska Afrika. Hijradaas
oo ahayd farriintii (risaaladii) ugu horreysay ee Islaamku keeno Geeska Afrika
iyo bilawgii uu ku bilaabmay xidhiidhka Islaamka iyo degaanku. Meeshii ugu
horreaysay ee lagu dodo in ay asxaabtaa soo hijrootay ka soo degeen waxa ay
dekedda magaalada Saylac. Gasiiradda Carabta iyo Geeska Afrika, markoodii
horeba waxa dhexeeyay ganacsi wanaagsan oo iman jiray degmooyinka xeebaha, kaas
oo markii dambe ay soo raaceen faafiyaashii diinta Islaamku, taas oo horsed u
noqotay in Islaamku si nabad ah ugu faafo Geeska Afrika.
Qarnigii 9aad ee Miilaadiga, gobolka Shawa
waxa ka soo if baxday boqortooyo Islaam ah oo ay aasaaskeeda lahaayeen niman
Carab ah oo reer binu Makhsuum ah, kuwaas oo ay hadda ka sii joogaan dadka loo
yaqaan Orgobuha. Qarnigii 13naad waxa soo shaac baxday boqortooyadii
calanka weynayd ee Awfaat, taas oo uu aasaaskeeda lahaa boqor la odhan jiray
Cumar Walasmac, kaas oo la tibaaxo in uu ka soo jeeday tafiirtii Sheekh Yuusuf
Al-Kownayn. Boqortooyadan oo 1385tii la wareegtay boqortooyadii kale
ee Shawa, iyada oo Awfaat noqotay dawladdii Islaam ee ugu saamaynta badnayd
Geeska Afrika. Waxa ay gacanta ku dhigtay marsooyinka Saylac iyo Berbera oo ku
yaallay irridaha ganacsigu Afrika u soo maro ama ka baxaba. Boqorradii
Xabashida ee xukunkoodu ku salaysnaa dhulgoosiga ayay arrintani ku abuurtay
quudhi-waa iyo xaasidnimo ku kalliftay isku-dayga in ay gacanta ku dhigaan
ganacsatadii muslimiinta iyo hantidoodaba. Taas oo dhalisay in ay dhac iyo boob
joogto ah kula kacaan, dawladdii Islaamkana colaado iyo weerarro joogto ku soo
qaadaan. Xilligaas Geeska Afrika waxa ka samaysmay dawladdo badan oo ay ka mid
ahaayeen; Dawaaro, Baali, Sharkha, Hadya, Futajaar, Arabaani, Daarah iyo Cadal
ama Awdal oo ka soo xuubsiibatay dawladdii Awfaat.
Haddii ay kuwaasi ahaayeen dawladdihii Islaamka ee
waaweynaa, dhinaca kale waxa ka jirtay dawladdii Xabashida oo cadaw ku ahayd.
Dawladdaas oo fadhigeedu ahaa buuralayda ay galaan qoomiyaddaha Xabashida iyo
Tigreygu. Intii ka horreysay 1270kii boqortooyadii Xabashidu nabad
bay kula noolayd dawladdihii Islaamka ee ay jaarka ahaayeen. Intaa ka dib waxa
boqortooyadii Xabashida hoggaanka u qabtay boqorradii ku andacoon jiray in ay
ka soo jeedaan tafiirtii nebi Sulaymaan (cs) –Solomonoc Line-. Kuwaas oo huriyey dagaal diimeed si ay Geeska diin
keli ah uga taliso, dhaqaalaha gacanta ugu dhigaan. Qalalaasihii iyo
iska-hor-imaadkii waxa ka dhashay deggenaansho la’aan iyo dagaallo joogto ah.
Jihaadka iyo halganka uu Imaam Axmed calanka u sidayna waxa sababteeda lahaa
damaca boqoradaa Xabashida.
Sannadkii 1332dii iyo wixii ka dambeeyay
dagaalladii isdaba-joogga ahaa ee Xabashidu ku soo qaaday dawladdihii Islaamka
ahaa, intoodii badnayd waxa ay ku habsadeen xilligii ugu adkaa, amintaa oo uu
xukunkiisu socday boqorkii la odhan jiray Daawatkii koowaad 1382dii –
1410kii ninkaas oo ku guulaystay in ay ciidamadiisii jebiyaan kuwii
muslinka oo uu hoggaaminayay Sacdud-diin oo ahaa tafiirtii Cumar Walasmac. Suldaanka
iyo ciidankiisii waxa loo soo eryaday Saylac, halkaas oo lagu dilay suldaankii
laguna aasay Gasiiradda Saylac ee ilaa hadda magiciisii wadata.
Jugtaa weyn ee Islaamka gaadhay ma ay noqon jab aan
laga soo waaqsan. Wiilashii Sacdud-diin dhalay oo markii aabbahood la dilay u
gudbay Yemen, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay boqorkii An-Naasir Axmed bin
Al-ashraf Ismaaciil, ayaa dib u soo noqday, markii uu boqorku soo hubeeyay
iyaga oo jihaadkii halkii ka sii ambaqaaday. Dawladdii Islaamka dib ayaa loo
dhisay dhulkiina waxa lagu magcaabay Berru
Sacdud-diin, magaala-madaxna waxa looga dhigay Dhakar magaalo la odhan
jiray oo markii danbe Herer looga soo guuray. Muslinkii si heer sare ah ayay
isu diyaariyeen, si ay u helaan awood caabbida duullamada Xabashida ee is daba
joogga ah.
Dagaalyahanno badan oo ciidanka Muslinka hoggaaminayay
ayaa rogaal-celiyay duullaanno ka hortag ah. Raggaas waxa ugu magic weynaa
halgamaagii Garaad Maxfuud oo hoggaanka dagaalka ee Muslinka qabtay 1490kii,
waxa la dilay 1516dii mar uu ku duulay Xabashida. Waxa isaguna
xoladadii jihaadka ka mid ahaa Suldaan Maxamed oo la dilay 1518kii.
Intaa wixii ka dambeeyay dhulka waxa ka dhacay qas iyo jaahwareer. Sanadkii
1508dii waxa boqor u noqday Xabashida nin la odhan jiray Libna
Dengal ama Wanaag Segad. Waa boqorka intii uu Xabasha ka talinayay ay dheceen
dagaalladii waaweynaa ee uu Imaam Axmed Guray Hoggaaminayay.
Haddaba, haddii aynu is waydiinno maxaa keenay
duullamadii qarnigii 16naad waxa dhaliyey dagaalka iyo raadka ay ku
reebeen Geeska Afrika; duullaamadaa xoogga leh ee ay Muslimiintu qaadeen waxa
sal u ahaa.
1.
Uurku-taalo
iyo utun ay ku reebtay Muslimiinta dilkii madaxdooda uu ka midka ahaa,
Sacdud-diin 1402dii, Amiir Maxfuud 1516kii iyo kii
Suldaan Maxamed 1518kii.
2.
Qodobka
labaad oo ah mid intaaba ka daran ayaa ah, burburintii ay Xabashidu burburiyeen
dawladdihii Islaamka ee Geeska Afrika ka dhismay.
3.
Muslimiintu
waxa ay ka gam’i waayeen dilkii, dhacii, boobkii iyo qafaalashadii ay
boqortooyada Xabashidu sida badheedhka ugu hayeen muslinka Geeska Afrika.
Markaa waxa gar noqotay in duullimaadyada Xabashida la
hor joogsado, gobolladii ay dhaceenna dib looga furto, loona aar gudo
halyeeyadii iyo madaxdii muslinka laga dilay. Arrinta oo halkaa maraysa ayaa waxa
dabkii gaas ku sii shubay duullimaadyo uu Bortiqiisku bilawgii qarnigii 16naad
ku soo qaaday xeebaha Geeska oo ahaa dhulkii Muslimiintu ku ganacsanayeen,
xidhiidhna ay wada yeesheen boqortooyadii Xabashida.
Dilalkii loo geystay Garaad Maxfuud iyo Suldaan
Maxamed ka dib, dhulkii Muslimiinta ka dhacay alaam (jaahwareer), jidgooyo iyo
ammaanka oo khalkhalay. Arrimahaas oo sababay in la bannaysto xumaan iyo
xaaraanba. Sidoo kale waxa laga dhaxlay in lagu sigto colaado sokeeye iyo in
xukunku saldhigi waayo oo xadhig lama sitaan noqdo. Arrimahaasi waxa ay
gogol-xaadh u noqdeen soo bixitaanka hoggaamiye Garaad Aboon la odhan jiray oo
horjooge u ahaa koox dagaalyahanno ahaa. Sooma-jeeteyaashaasi waxa ay aad u
diidanaayeen xukunka Suldaan Abubakar oo ahaa nin guddoon jilicsan oo gar
leexsan, kaas oo isku deyray dar u hoggaansanaa oo safarrada dhib ku hayey.
Garaad Aboon, amin lix sano ah ayaa uu degaankii qasnaa dejiyey oo
habsami-u-socodkii nolosha soo celiyey. Arrintaas oo masayr ku ridday suldaan
Abubakar, isaga iyo budhcaddiisii ayaa weerar soo qaaday, halkaas oo ay Garaad
Aboon ku dileen. Duullaankaa Garaad Aboon lagu dilay ma uu noqon mid guulaystay
oo kala diray kooxdii dulmi-diidka ahayd.
Garaad Aboon, calankiisu ma dhicin. Haddii ay dishay
gacan ka xaq darani haddana waa noolaa isaga oo weji kale iyo magac kale sita!
Kooxdii uu tababaray ee dagaalyahannada ahaa waxa ka mid ahaa halyey taariikhda
wax weyn ka beddelay oo magaciisu ahaa Axmed Ibraahin Duullane (Al qaasi).
Ninkaas oo kooxdii abaanduulle u noqday.
Geeridii Garaad Aboon ka dib, kooxdii iyo
hoggaamiyahoodii oo meel durugsan ku sugan ayaa boqorkii Xabashidu dhulkii
muslinka u soo diray Batriikhiisii Faanu’iil, si duullaan ugu qaado daafaha
degaanka Muslinka ee Geeska. Waxa ay u geysteen muslinkii burbur weyn, bililiqo
iyo qafaalasho. Suldaan Abubakar iyo budcaddiisiina dan iyo heello kama lahayn
duullimaadyada ay Xabashidu ku soo qaadayeen dhulka muslinka. Beryahaa danbe ee
Garaad Aboon sii mootanaana ciidamada Xabashidu wax kasta oo ay geystaan ul
lagama daba tuuri jirin, Suldaan Abubakarna ficil daayoo hadal kama soo bixin
lagamana filaynba.
Abaabulkii iyo
hawlgalladii guulaha
Imaam Axmed Guray iyo kooxdiisii markii ay warkii
naxdinta badnaa heleen way ka dhiidhiyeen, way is guubaabiyeen oo guntiga ayay
dhiisha iskaga dhigeen, duullaankii Xabashidana inta ay ka daba duulleen ayay
jebiyeen Batriikhii, wixii uu dhacay iyo dadkii uu qafaashayna way kala soo
hadheen, iyaga oo hantidii oo dhan dadkii lahaa u celiyey. Dhacdadaasi waxa ay
fadeexad iyo ceeb ku noqotay Suldaan Abubakar iyo kooxdiisii budcadda ahayd,
Imaam Axmed Guray iyo saaxiibbadiina sharaf iyo karaamo ayay ku mutaysteen.
Waxa ay noqdeen halyeeyo magacoodu astaan sharafeed noqday. Mar qudh ah ayaa
weedhooda haadka iyo shimbiruhuba higgaadiyeen. Waa cusub oo muslimkii u beryay
ayay noqdeen. Maalinkaa ka dibna Xabashidu duullaan danbe kuma soo qaadin
daafaha dhulka muslimka.
Suldaankii jilicsanaa waxa uu arkay in cimaamaddii ka
dhacday oo dadkii uu u soo baxay hoggaan wanaagsan, isagana uu hadda ka dib
cidla joogo. Sidii caadada u ahayd ayaa isaga oo budhcaddiisii wata uu dagaal
ku soo qaaday Imaamkii iyo ciidankiisii. Horaa loo yidhi “Dawaco halka ay macal idaad ku barato ayay macaluul ugu baqtidaaye”
dagaalkaas waa ku jabay, Imaamka ayaana guushu ku raacday. Dhawr jeer ayaa la
dhexdhexaadiyay, markasta se Suldaanka ayaa heshiiska ka baxayey oo weerar
qaadayey. Qorigii dabka ahaa ee uu la fadhiisan waayay ayaa markii dambe
galaaftay oo dagaal uu soo qaaday ayaa lagu dilay. Saldanaddiina walaalkii
Cumar Diin, ayaa Imaamku u caleema saaray isaga oo ilaalinaya xeerka iyo
meeqaamka suldaannada, waxa uu se ku kaabay walaalkii Maxamed Ibraahin (Imaamka
walaalkii). Imaamku arrintaa waxa uu u sameeyay isga oo ka hortegaya in
saldanaddani ay mar labaad dhib u geysato muslimiinta.
Shaqadaa ka dib, ayaa uu Imaam Axmed Guray bilaabayaa
sidii uu cagta u saari lahaa wadadii jihaadka. Waa marka uu tooska u bilaabay
abaabulkii iyo tabihii uu ku midayn lahaa muslimiinta, hadday noqoto maskax,
muruq iyo maalba. Taas oo u sahlaysa in uu qaado duullimaadyadii Xabashi lagu
muquuniyey.
Bulshadii dawladda Islaamka wada lahayd waxa ay ka
koobnayd saddex qaybood oo kale ahaa;
1.
Ganacsato
deggen magaalooyinka.
2.
Beeralay
degaan ah oo aan guurin.
3.
Dad
reer guuraa xoolo dhaqato ah.
Saddexdaa qaybood ee bulshadu ka koobnayd marka
dawladdu awoodda leedahay ee berisamaadka lagu jiro si wanaagsan ayay isula
falgelayeen, noloshuna waa deggenayd. Marka se ammaanku liico ee dawladduna
taag darraato reer guuraagu dhibaatooyin ayay geysan jireen, cidna ma ay ammaan
gelin jirin. Ganacsatada iyo beeralaydu waxa ay ka koobnaayeen qoomiyado kala
duwan, sida Soomaali, Cafar, Xarla, Orgobbaha iyo kuwo kale. Halka reer
guuraagu ahaa Soomaali iyo Cafar keli ah. Sidaad darteed xoogga ugu badnaa ee
haddii uu carbismo oo hoggaansamo, maamulkii Herer awood iyo ciidan laxaadle oo
aan la waabin karin u yeeli lahaa, Soomaalida ayay ahaayeen.
Imaam Axmed Guray, arrintaa ayaa uu si wanaagsan u
ogaa, sidaa daraadeed waxa uu halgankiisii u qaybiyey saddex qaab oo mid waliba
muhiimadeeda leedahay iskuna taxan, una kala mudan sida ay u kala horreeyaan.
Kuwaas oo u dhignaa sidan;
1.
Habaynta,
toosinta iyo isku dubbaridka reeraha Soomaalida iyo madaxdoodii oo uu taliskii
hoos keenay.
2.
Soo
celinta dhulkii iyo dawladihii ay muslimiintu ku waayeen duullimaadyadii hore.
3.
Iyo
duullimaadyadii caan baxay ee uu ku qaaday Xabasha oo dhan.
Intaa ka dib, waxa dhacay duullimaadyadii waaweynaa ee
taariikhda wax ka beddelay. Duullamadaas oo ay ugu caansanaayeen toddobada
duullaan ee uu goob joogga ka ahaa qoraaga kitaabka Fatuux Al-xabash,
Shihaabud-diin Axmed Cabdiqaadir oo caan baxay naanaysta “Fiqi Carab”. Duullamadaas
kii ugu ba’naa waxa uu ahaa; Shimbira-kore oo dhacay 1529kii. Duullaankaas
oo ay foodda isku dareen laba ciidan oo aan tiro la is barbar dhigi karo
lahayn, maalintaas ciidanka Xabashida fardooleydoodu waxa ay ahaayeen 16,000 oo
dagaal yahan iyo 200,000 oo lug ah. Halka ay muslimiintu ka ahaayeen
560 fardoolay ah iyo 12,000 oo lug ah! Iyada oo sidaa xaalku ahaa, haddana
ciidankii muslimiinta ayaa guulaystay gaaladiina waa la jebiyey. Guuldarradaa
iyo taya-xumadaa Xabashidu waxa ay noqotay waddadii uu Imaam Axmed u maray
furashadii Xabasha inteeda badan. Arrintaas oo horseedday in muddo lix sano ah
1529kii ilaa 1535tii uu Imaamku furto dhulka Xabashida
boqolkiiba toddobaatan iyo shan 75%, isaga oo xarun ka dhigtay Dunbiya oo ku
taalla nawaaxiga harada Taana.
Waa markii ugu horraysay ee Muslimiinta Geeska Afriki u
midoobaan in ay la dagaallanka Xabashida, taas oo Alle sokadii ku suuragashay
hoggaamintii Imaam Axmed Guray. Guulahaas is daba joogga ahi waxa ay
suurageliyeen in ay dagaalka ka qayb galaan dadkii Xabashidu diinta qasabka
kaga beddeshay intii aan nasrigu u iman. Duullimaadyada iyo dagaalladu aad ayay
u qadhaadhaayeen awood la isula hadhayna ma jirin. Xabashidu, waxyaabihii ay
muslimiinta ka aaminsanaayeen ee beenoobay waxa ka mid ahaa in aanay muslinku xilliga
roobka dagaalamin, aaminaaddaas oo noqotay hal bacaad lagu lisay. Sidoo kale
waxa ay ogaayeen in aanay muslinku dagaalamin ciidaha, taasina waxa ay noqotay
cagsigeeda. Arrin kale ee Xabashidu aaminsanaayeen in muslimiintu aanay ku
dagaalamin degaanada buuraleyda ah ee joogga sare, maadaama aanay degaankooda
ahayn aqoonna u lahayn, waxa se qaadan waa ku noqotay in muslimiintu ay
boqorkii Xabashida ugu tageen buur aad u dheer dhakadeeda oo ka
fara-maroojiyeen mood iyo nool wixii uu halkaa ku haystay. Arrimahaas aan hore
loogu aqoon ciidamadii muslimiintu waxa ay argagax iyo baqdin xad dhaaf ah ku
abuurtay Xabashidii oo dhan, waxana ku dhacay jaahwareer iyo in uu ka khalkhalo
hannaankii dagaalku.
Jabkaas is daba joogga ahaa ee loo geystay markii ay
awoodi waayeen in ay iska caabbiyaan ayaa ay xidhiidh hoose la yeesheen
Bortiqiiska oo waagaa ahaa quwad casri ah kuna gaashaaman hubka casriga ah ee
baaruudda qaraxda. Bortiqiisku jihaadkii ayuu ka soo qayb galay si uu u
badbaadiyo boqortooyada ay isku diinta yihiin ee jarka ka sii lulata. Dagaalkii
xaqa iyo baadilkuna weji cusub ayaa uu yeeshay, xulafadii kiristaanka iyo
ciidamadii diinta Alle ayaa foodda is daray, teellana la iskuma dhigan.
Ciidankaa Bortiqiiskana dhawr jeer ayaa la jebiyey, guuladarrooyinkii la
gaadhsiiyayna waxa ka mid ahaa in la dilo hoggaamiyihii ciidanka Bortiqiiska oo
la odhan jiray Kiristoofer De Gama. Iyada oo ay sidaa ahayd, haddana ciidankii
bortiqiiska waxa u suuragashay in ay toogasho ku dilaan Imaam Axmed Guray,
isaga oo dagaalamaya meesha la yidhaado Waynadega, oo ku dhaw harada Taana
sannadkii 1543kii. Halkaas ayaa uu ku shihiiday Imaamkii guusha ku
suntanaa, seeftii Alle ee Geeska Afrika. Geerida Imaamka ka dib duulimaadyadii
hakad ayay galeen ma ay joogsan ee jihaadku waa sii socday.
Axmed Guray ma halgamaa
Soomaali ah buu ahaa?
Imaam
Axmed Guray, waxa uu ahaa halgamaa jihaadi ah oo ka soo baxay bulshada
Soomaalida ee deggen geeska Afrika badankiisa. Waa halyeyga koowaad ee
Soomaalidu ku dhadato, xusto marka ay halgan ka hadlayaan, iyaga uu ugu
tilmaaman yahay astaan geesinimo, hoggaamiye, imaamnimo iyo jihaadba. Waxa se
jira bulshooyin Soomaalida la ood-wadaag ah oo sheegta in Imaam Axmed Guray
iyaga ahaa sida; Bulshooyinka Itoobiyaanka ah, Cafarta iyo qaar kale oo badan.
Hore ayay Soomaalidu ugu maahmaahday “Guushu
way aabbeyaal badan tahay” qofka guulaystana dad badan ayaa sheegta, sidaa
darteed layaab ma laha in Axmed Guray oo kale ay sheegtaan cido kale. In badan
ayaa la sheegtay haldoorka dadka Soomaalida, oo waata haddaba ay Itoobiyaanku
(Boqor Xayle Salaase, 1958) ku doodaan in Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ahaa
mujaahid Itoobiyaan ah. Marka Darwiishkii shalay la sheeganayo, Axmed Guray oo
400 oo sano ka horreeyayna maxaad u malayn?
Soomaalinimada
Imaam Axmed Guray, waxyaabo badan ayaa caddayn u ah. Mid weeyee waa
hoggaamiyihii koowaad ee isku dubarida beelaha Soomaalida intii islaamka geesku
gaalada la jihaadayay, iyada oo ay kari waayeen hoggaamiyeyaashii carbeed ee
isaga ka horreeyay. Waxa marag ma doon ah in dadka Soomaalidu neceb yihiin
shisheeye oo aanay u carbisnayn la shaqaynta iyo u hoggaansanka qof shisheeye
ah. Waxa kale oo inoo caddaynaya naanaystiisa Axmed-Guray, oo ah magac ay
Soomaalidu la baxdo. Sidoo kale magaca “Al-qaasi” haddii la is waydiiyo, ma aha
mid fog ama laga dhadhamiyo shisheeyenimo, waayo? Magacani kama foga dadka iyo
dhulka Soomaalida, magaalada maanta Boosaaso la yidhaado, muddo dheer ayaa loo
yaqaanay Bender Qaasi. Magaaladaas oo ah magaalo Soomaaliyeed. Qodob kale
haddii aynu soo qaadno, xagga sare waxa aynu ku soo aragnay in Imaam Axmed
isaga oo yar uu la soo baxay firfircooni iyo hawlkarnimo la majeertay, taas oo
ahayd astaan haddii wiilka Soomaaliga ah laga waayo aan la tirsan jirin.
Arrintaas oo suugaanta aad loogu qeexay maansooyinka lagu sheegay waxa ka mid
ah gabaygan Wiilwaal tiriyay;
“Wiil labiyo
tobban jiray hadduu, lali ahaan waayo,
Marti laylka
socota hadduu, luun ka bi’in waayo,
Looyaanka
dirireed hadduu, luuf ka kicin waayo,
Ragganimo
luddiis kuma jirtee, liicye bal ogaada”
Imaam
Axmed Guray, ma jirto sabab loogu sheego qoomiyado kale oo aanu ahayn.
Xilliyadan dambe waxa bulshada Soomaalida lagu dhex faafiyaa aragtida odhonaysa
in uu ahaa bulshooyin kale oo Itoobiyaanku ugu horrayso. Laakiin Soomaalidu ma
aqbasho inta badan sheegashadaa shisheeye debedda kaga imanaysa, waxa arrintaa
gaashaanka u daruuraya sida ay ugu xuseen suugaanta. Haddii aynu soo qaadanno
qaar ka mid ah abwaannadii Soomaali ugu magaca weynaa ee ku dhaatay Imaam Axmed
Guray, waxa ka mid ahaa;
“Axmed Guray unuunkay jareen, ehel ha
waayaane”
Xaaji
Aadan “Afqalooc”
“Axmed Gurayna waad wada ogtiin, uubti loo
qodaye”
Ibraahin
Gadhle
“Waxaan
idhi;
Axmed Guray xagguu degay,
Wuxu
yidhi;
Xalanuu la deris yahay,
Dudadaa u kala rogan,
Xaawina ma durugsan”
Xasa-genay
“Ma goblamin Darwiishkii,
Axmed Gurayna muu dhiman,
Geenyadu ma daallana”
M.
I. W. Hadraawi
“Axmed Guray kuwii dilay,
Guul aynu gaadhniyo,
Gobonnimiyo sharaf,
Gaalo inooma quudhoo,
Markay garab jaraanbaa,
Geesi kale dhashaa,
Gudaheenna oo,
Gobtii baynu nahay,
Gaalada necbayd”
Maxamed
Saleebaan Axmed “Tixmagabe”
Raadraac
___Shihaabud-diin
Axmed “Fiqi carab”, Fatuux Al-xabash, Mahadho-reebka qarnigii 16naad,
haltebintii Aadan Xasan Aadan iyo Riiraash.
___Ashaacira’s
Blog.Wordpress.com, Taariikhda Hoggaamiye Imaam Axmed Guray oo ka mid ahaa
culimadii Suufiyada iyo difaacii dalka Somaliya, 2008.
___Xuseen Cabdi Xalane,
Far-guri “Gundhaca Gabayga, Guddoonka, Geela, Gabdhaha iyo Gulufka” Himilo publishing
company, Minneapolis, USA.
___Maxamed Baashe X. Xasan, Baal-taariikheedka
suugaantii iyo taariikhdii Xaaji Aadan Axmed “Af-qallooc”, London, Baashe
publisher, 2004.
___Boobe Yuusuf Ducaale, Mullaax, murtidii iyo
medadaaladii Ibraahin Sh. Saleebaan, Sagaljet, Hargaysa, 2012.
___Maxamed Axmed Qodax, Badmacaan, miiddii iyo
murtidii Xasan X. Cabdilaahi “Xasan-genay”, Sagaljet, Hargaysa, 2016.
___Maxamed Baashe X. Xasan, Hal ka haleel,
Suugaantii iyo taariikhdii M. I. W. Hadraawi, London, Baashe publisher, 2004.
1 Faallo reeb:
Click here for Faallo reebMudane/marwo haddii aad akhriday, ila wadaag faalladaada iyo aragtida adiga oo mahadsan.
ConversionConversion EmoticonEmoticon