Maxay carruuri ka hadhaa yaa bilcamayba!


Isaga oo yara laamandoodsan niyaddana ka soo jeeda ayuu maqlay or ciyaareed, oo meel dheer ka baxaysa. Go’ii inta uu madaxa ka fayday ayuu dhegaha raariciyey. Waxa se uu aad wax uga maqli waayey raamsigii geela oo gawsaha uu wax ku calaalinayey la moodayey durbaan la tumayo. Debedda inta uu u baxay, ayuu geed dugsigii fadhiistay, dhawaaqii u baxayna dhegta u dhigay.



Cabbaar haddii uu juuq dhagaystay, ayaa sacab dhallinyaro si fiican loo aloosay u baxay dhegtuna aqoonsatay. Isla markii ba inta uu sidii baarqab banka qooq ah oo humaag geel arkay u beerqaadmay, ayuu meeshii sacabku ka baxay afka saaray. Waa caddo niidhi ah. Dayaxuna afar iyo tobnaad yahay. Cirkana caad ma saarnayn. Waa kaad aan dhaxan lahayn. Dhirtana waxaad moodaysay inay sardho hore ku baraad beeshay oo bilaa jabaq ayey ahayd.
                           
Siduu dhegaha u soo nabayey, ciyaartii oo isku dubba dhacaday kii dhabqinayeyna looga dhaartay, ayuu dhinac iska soo taagay. Laba wiil iyo gabadh si fiican botorka iyo labasaarka Ilaahay u baray, ayaa is laba rogayey. Samatar oo aad u luuq wacnaa ayaa heesayey, inta kalena jiib iyo jaan bay raarta ku xejinayeen.
Samakaab markii uu sidaa u soo istaagayba, judhiiba tiraabtii iyo tixdiiba wuu la wareegay ilayn waa hoobal sacab yahan ahe kuna bilaabay:

Dhallinyahay waa i tebiseen
Ma cirkaan ka soo dhacay
Ma dhulkaan ka soo baxay?

Heesta markii uu qabtay ayuu badhtankii isku tuuray oo hees diirran ku dhuftay. Gabadh qalabkeedii u dhammaystiranyahay ayaa kolkiiba is laba rog ku soo gashay. Wax uu kolba dhinac kaga yimaado Jaandheer, Botar iyo Shaxshaxley hadba mid ku nasiyaba, waagii ayaa soo dhawaaday. Heestii ugu dambaysay ayuu ku sheegayey inaanu ciyaarta ka xaraarad goyn, iyagana daaliyey isaga oo leh:

Dirirradu ha daateen
Waaguna ha daalaco
Deylo naysha haw cido
Gabdhuhuna ha daaleen
Aniguna aan doob dhabo.

Ha yeeshee, waagii soo dharaaroobay ayaa Samakaab iyo himiladiisii kala dhex joogsaday. Nin iyo geed markii la kala gartay, ayaa ciyaartii la gebagebeeyey, dadkiina qofba geestii uu xalay ka soo guday ku dhaqaaqay. Samakaab isagu gabadhii ciyaarta ay isla mari waayeen oo mid kale meel goonni ah la taagan ayuu u tegay oo yidhi, ‘’gabdhow waa la idin salaamay’’ gabdhihii oo indhaha hoos u rogaya ayaa ugu warceliyey ‘’waa lagaa qaaday’’ si ku dhac leh ayuu ugu yidhi ‘’laba mar kulantay mar labaadna kulantee, magacyadiinna ii sheega?’’ ‘’magaceen waa Islaame waalidkii na dhalay Saxarla iyo Saluugla ayey noogu wanqaleen’’

 Intaa markii la is waydaarsaday ayuu yidhi ‘’amin xun baynu joognaaye, barasho wanaagsan’’ haddii la kala dhaqaaqay ayuu dib u soo jaleecay, mise Saxarla ayaa il-qoodhka daymo ugubnimo kaga xadaysa. Waabasho xishood ayaa degdeg indhaha loola kala laabatay.
Saxarl waxay ahayd toddoba iyo toban jir, qalanjo haween ah oo mudh u baxday sidii laan dhebi ah. Jooggeedu ma gaab na, dherer xad dhaaf ahna ma laha. Midabkeedu waa maarriin dhalaal, labada garab na timo gedafaysan baa ka soo daadegay. Quruxdeeda, qiimaheeda iyo hanaqaadkeeda mid na dhan loo dayo inniqi uma dhinnayn.

Is araggii ay saadiyeen wuxu dhacay, mar uu Samakaab galabtii dambe, Saxarla oo awr carraabinaysa, cutub maydhax ahna laalaadsanay la kulmay. Hadal waa kii kooban ee kaalin gala’e kaftan iyo haasaawe ka dib, lagu ballan inay is guursadaan iyo guddoon wacan.
Samakaab hooyadii oo wiil toban gu’ baarka ka gooyey dhal ugu dambeeyey, ayaa had iyo jeer kula talin jirtay inuu intay nooshahay guri yeesho, si ay mar uun ilmo uu dhalay dhabta u saarto. Aabihiina in badan ayuu ku yidhi ‘’waar reerku adhi iyo ishin ba waa buuxaaye maad guursatid?’’ goor fiid ah oo geelii laga caano maalay, ayuu Samakaab aabbihii ku yidhi ‘’Ee  waa tii aad wax badan guurso i lahayde, maantaan diyaar ahay ee wax ila qabo’’. ‘’dee waa hadal wanaagsan ee ma adigaa soo arkooday mise, haddaad leedahay ha la ii ilaalo tago? Aabbihii baa intaa waydiiyey. Isna wuxu ugu warceliyey ‘’Ee maya ee inantii Saxarla ee ina Cismaan baan soo arkooday’’. Odaygii oo arrintaa ka biyo diiday, ayaa yidhi ‘’Waar ina Cismaan lahayne, gabadhii inaabtidaa ee ina Rooble baan kaaga xoola bixinayaaye, haddii aad wax guursanayso diyaar garow’’.

Cabbaar markii hadalkii la isku celceliyey, oo la is mari waayey, ayuu odaygii oo xanaaqsani xilo-fur gow ka siiyey isaga oo leh ‘’xilo waxay intaa iga yihiin in aanan Rooda Rooble mooyaane naag kale kaaga xoolo bixin, kuuguna ducayn ee haddii aad taada ku meel marayso, sidii aad rabto yeel’’.
Samakaab meel cidhiidhiya ayaa arrini ka gashay, talana way ka baahday. Habaar waalid iyo hoggaan jacayl baa labadiisa qaar kala jiitay. Xaalkiisuna waxa uu noqday sidii ninkii la kala doorransiiyey labadaada waalid kee la caddaabaa? Ee yidhi ‘’Afkaan ka kala hayaa!’’

Habeenkaa sidaa ayaa lagu kala seexday. Samakaab oo halkiisii ku adkaystay iyo odaygii oo madaxiisa la loodin waayey. Islaantiina xaydha jecli beerka jecli ayaa arrinteedii noqotay. Wiilkii inkasta oo uu ardaaga madaxa iyo minjaha maray, haddana tashi, werwer iyo waalalow ayaa ku furnaa, oo uu ka ledi waayey. Inkasta, oo uu Saxarla go’aanka u badinayey, odaygana dhegaha ka furaystay. Haddana arrin qadhaadh oo gacmo madhnaan ah ayaa ka hor timi. Taas oo ahayd in aabbihii kaga dhaartay inaanu ku xoolaynayn go’aankiisa gabadha uu ku keeno. Saxarla na udubcadnimada aroos bilaa adduun ah ayuu ka biyo diidayey iyo silica umusha carceerkeeda mana uu jeclaysanayn inuu sidaa ku aqal galo. Intaa, waxa kaga sii darnaa aabbihii oo xilo fur gaw ka siiyey haddii aan taladiisa la qaadan iyo hooyadii oo da’daa lagu furo.

Aroortii sidii caadada u ahayd ayuu geelii la qoob wadaagay. Kob baad leh inta uu ku xasiliyey, ayuu ilayn waa nin xalay oo dhan laba boglaynayee, geed damal ah hadhkiisii sidii wax hurdo la dhacaya is duubay. Inkasta oo uu si fiican u gam’ay haddana wuxu ku dhadhabayey isaga oo Saxarla aroostay, hadhuub culanna caano kula wadaagaya. Hurdadii markii uu ka soo baraarugay, ayuu meel aan ka dheerayn garaac ka maqlay. Dhannaba ma eegin ee inta uu kabaha la booday ayuu meeshii wax laga garaacayey ku toosay. Saxarla oo geed galool ah maydhax ka diiranaysa ayuu indhaha qac ku siiyey. Cimrigeedu dheeraa intuu caloosha ka yidhi, ayuu geedka dhinaciisa kale kaga soo wareegay. Haddii uu bariidiyey, inta ay qosol dhoolla caddaysay ayey salaantii ka guddoontay, nabad na u celisay. Hal cabaar ah markii haasaawe guud la tuurtuuray, ayuu u af baxay wixii isaga iyo reerkooda ka dhex dhacay na uga warramay. Ka dibna, waxay ugu warcelisay‘’Oo haddii ay arrini halkaa joogto, maad hadhkaba iiga dhacdid oo aynu kala hadhno. Waalidkaana siday kula rabaan yeeshid?’’ isaga oo aan hadalkaa ka filanayn ayuu ku tiraabay ‘’taasi waa mid inta madaxaygu saan leeyahay la iga eegayne ma adigaa inaad wacadkeenii wax ka soo celiso raba?’’ Saxarla ayaa hadalka qaadatay ‘’dee mayee miyaa waalid taladii la dhaafayaa?.

Maalintii oo dhan sheekadii waxay rogrogaanba wacad iyo go’aan waxay ku gaadheen in ilaa inta wax is bedelayaan ay isa sugaan, midkood na aanu ka kale ku wacad furin. Salaan nabadgelyo iyo socod wanaagsan ayaa inta il muggeed la kala bogtay lagu kala boqoolay.

Mudo markii la kala maqnaa ayaa wiil gammaan iyo geel ba buuxaa u soo geed fadhiistay. Haseyeeshee, Saxarla waa ay ku gacan saydhay. Odayadii intii ehelkeeda ka ag dhawaa, ayaa aabaheed isugu wada yeedhay, si ay gabadha ula hadlaan oo wax uga dhaadhiciyaan. Adeerkeed oo cirradu caddaan awgeed boosowday, ayaa u yimi oo ku yidhi ‘’adeer gacantaana ducaan kuugu sidaa, taana habaar ee kala dooro, oo mid uun iga furo, aan faraqa marada kuugu gunto’’ iyadoo yaab awgii halaanhalaysa ayey hadalkii qaadatay oo tidhi ‘’Habaar iyo duco haddii aad mid hoo I tidhi, intii aan geesi seegi lahaa, habaarkaan qaatay!’’ odaygii baa intuu naxdin haq yidhi oo afka gacanta intuu saaray yidhi ‘’Qalladi kugu dhacday, weligay tan oo kale ma arag’’. Odayaashii markii uu ku warceliyey baa inta la amankaagay ninba eray soo tuuray. ‘’Waar dadka yaryar ee wakhtigan jooga Illaahay ha inaga shartiro’’. Xaaji Gacal oo aan madixiisa tin lagu ogayn baa sidaa yidhi. Oday kale oo isagana bidaartu galaashay baa hadalka la wareegay oo yidhi isaga oo inanta aabaheed ku dhega hadlaya ‘’Waar goormay sidani inoo dambaysay ee aan carruurteenii u talin kari weynay?’’ Odoyaashii markii ay hilibkii cuneen bay kabaha kala iladeen.

Samakaab waxa uu ka dhursugayey, bal inta labada waalid midkood is bedelayo. Samakaab iyo Saxarla labadoodiiba gu’baa ka soo wareegay ballantii, dhallinyaradii iyo bulshada inteedii kalena way ku wiirsadeen. Way guumoobeen. Maxay tolow la guursan waayeen, oo ay sugayaan? Labadooda mid walba goonni baa loo hadal hayn jiray. Saxarla waxa intaa u dheeraa iyada oo inay habaar qabto tahay lagu tilmaami jiray. Samakaab aabbihii, muddo markii uu joogay ayaa uu tashaday oo yidhi ‘’Mar haddii aanu ninkani guursanayn, reerku ubad buu u baahanyahee waa in aan guursadaa’’. Gabadh todoba iyo toban jira ah ayuu geel iyo gammaanba ka dhiibay, oo la aqal galay. Islaantii Sugulle inta hinaase madax maray, ayaa ay inankeedii guubaabisay oo tidhi ‘’Hooyo mar haddii uu reer yeeshay, wax aan dhib ahayn oo aan ku qabaa ma jirto’e waa inaad gabadhii aad sheegi jirtay, haddii ay madax bannaantahay aad guursataa, oo aanad cidna ka habran, hansalna siin’’. Waxay dabada ka riixdaba, waxa uu goostay inuu Saxarla la soo baxo. Waagu markuu dilaacay ayuu sibraarkiisii caanaystay oo socdaal u dhaqaajiyey. Wax uu sii fool jeedo oo dhir, boholo, jeexyo iyo qarfo sii jafaba, reerka kambalkiisii buu yimid. Waa goor gaaban oo maalintii dabada jeedisay, qoraxdu cawlanaa oo silanaa meeye falaadhihii qurxoonaan jiray ee looga bartay? Degdegga ku jiraa muxuu ahaa ma geeri ayaa loo soo sheegay tolow? Deegaanku aragga u daranaa, meeyey midabadiisii bilaan jiray? Waa maxay habeenka soo degdegayaa? Maxaa wax walba dhalan gediyey tolow?

Isaga oo waydiimahani laabtiisa ka hugmayaan. Ayuu maqlay bulxan isugu jira buuq iyo baroor. Idhihiisuna arkeen ruux dumar ah oo laabta iska garaacaysa, aadna u barooranaysa. Haddii uu cabbaar yaabbanaa ayuu arkay islaan u dhow oo qoryo xaabo ah guraysa. ‘’Nabad ma sheegtay hooyo’’ Samakaab ayaa islaantii weydiiyey. Waa duq gu’geedii laasatay, da’ina soo ridatay oo hadal dheer wax ku maqasha himbiriirsina wax ku aragta. Bariidadii ma ay qaadine, isagii ayey daalac u raacday oo tidhi ‘’waar maxaad aaska u tegi wayday ee meesha ku dhigay?’’ ‘’Oo yaa dhintay?’’ ayuu duqdii weydiiyey. ‘’Maxay carruuri ka hadhaa yaa bilcamayba’’ Habartii war aan loo fadhiyin ayey keentay. Naxdin inta uu qaboobay ayuu eraygii bilcamay dhawr goor carrabka ku celceliyey. Habartiina ma ba ay sugine waxay tidhi iyadoo sii dhaqaaqaysa ‘’Rag oo dhan waa lagu kari waayey’’  isaga oo jidhidhico iyo mowjado murugo ahi harqiyeen, ayuu u dhaqaaqay xaggii madowga habeenku ka soo socday, dibna looma arag Samakaab.




   F:G. Sheekadan dugsiga ayaan ku dhigtay. Waa sheeko aad ii soo jiidatay, markaas ayaan jeclaystay inaan idinla wadaago oo hab sheeko faneed idiinku soo gudbiyo.

Ka xiga
Next Post »