Marie Curie Hal-adayg aan hungoobin


W/Q: Cismaan Ibraahin Ciise
Haltebintii Maxamed Saleebaan Axmed ‘’Tixmagabe’’




Marie Curie, waxay ka mid ahaayeen iyada iyo odaygeedii Pierre, saynisyahannada dunida caanka ka noqday, ma hadhaduna reebtay. Iyada oo daahfurtay curiye iyo element aan u awood badan oo lagu daweeyo kansarka (Cancer). sidoo kale, waxay baratay curiyeyaasha iyo radioactive-kooda. Pierre iyo Marie saaxiibtinimadoodu waxay sabab u noqotay inay isku xidhmaan (aad isaga ag dhawaadaan) arrimaha atomkana iska caawiyaan, sirtoodana isku qarsadaan. 


Haddaba, hordhacaa ka dib, aynu wax ka tilmaanno waayihii ay soo martay saynisyahannaddani. Marie Curie, waxay ku dhalatay gobolka Warsaw ee dalka Poland hilladii 1867kii. Aabbaheed jaamacaddaha ayuu ka ahaa bare-sare oo cilmiga Fiisigiska (physics) dhiga. Yaraanteedii waxay la soo kacaantay maskax furan iyo shakhsiyad feejigan. Iyada oo ku dhiirranayd inay sii wadan doonto xiisaheeda aqooneed ka dib dugsiga sare. Laakiin, niyad jab weyn ayaa ku habsaday markii iyada oo dhigata jaamacadda Warsaw laga mamnuucay haweenka inay jaamacaddaha dhigtaan. Niyadjabkaas ay kala kulantay sii wadashada aqoonteedii sare Marie way iska dhega tirtay. Dalkeedii Poland way ka suudaashay iyada oo u tacabirtay Faransiiska sanadkii 1891. Ka dib, waxay gashay jaamacadda Sorbonne ee Faransiiska. Iyadoo ku diyaarisay shahaadadeedii labaad (Master degree) iyo dhakhtarnimo Fiisigis ah (Doctorate in physics).
Marie waxay nasiib u yeelatay inay jaamacadda wada dhigtaan qaar ka mid ah saynisyahannadii ugu cadcaddaa eegaas. Kuwaas oo uu ka mid ahaa saygeedii Pierre. Marie iyo Pierre 1895kii ayaa calafku isu dooray oo ay is guursadeen. Laabka Fiisigiska ayey sanado badan si wada jir ah uga shaqeeyeen. Muddo yar ka dibna waxay daaha ka rogeen curiye. intaa ka dib, sanadkii 1906dii ayaa Pierre ku dhintay gaadhi faras jiidhay.
Naxdin argagax ah ayey ku noqotay Marie iyo nasiib darro  wadne xanuun ku reebtay. si aan xiise lahayn ayey Marie u sii wadday shaqadii iyada oo xasuusanaysay saaxiibtinimadii dheerayd iyo farxaddii ay soo wada qaateen Peirre intii ay wadeen baadhitaannada sayniska. Iyada oo xaqiiqada hortaalay ahayd koritaanka labadeedii hablood ee ku agoonoobay.
Dareenkeedii wehel la'aantu ugu dambayntii wuu baaba'ay markii ay ku guulasatay inay bare sare ka noqoto jaamacaddii Sorbonne, booskii odaygeedana buuxisay. Iyada oo taariikhda ku gashay inay ahayd gabadhii ugu horaysay ee ka noqota bare sare jaamacaddaha adduunka ugu caansan mid ka mid ah.
sanadkii 1911kii ayay Marie daahfurtay curiye ay keligeed aqoonteeda ku heshay. Iyada oo curiyahaas ku qaadatay abaalmarinta (Nobel Prize in chemistry).
Marie, dabayaaqadii nolesheeda waxay dilay xanuun ay ka qaaday shucaacii curiyeyaasha ay muddada dheer ku dhex jirtay. Waxa ay ahayd qof dhib u soo martay cilmiga sayniska isla markaana nafteeda u hibaysay sayniska. Iyada oo u socdaashay meelaha ugu khatarta badan adduunka cilmiga Fiisigiska dartii.


Haltebintii Maxamed Saleebaan Axmed (Tixmagabe)
Gudd: Waaxda akhriska iyo Hal-abuurka Xarunta M.Mooge
Facebool: Tixmagabe Saleebaan
Tixmagabe.blogspot.com
Hargaysa, Soomaalilaan

Ka xiga
Next Post »